Timo-Jare : Wiil ku ciqaabay inuu madaxa ka Xiiro oo lagu xukumay xabsi!!!!

Maxkamad ku taalka Dalka Ingiriiska ayaa Nin Timo-jare ah ku xukuntay siddeed bilood oo xabsi ah ka dib markii uu timaha ka xiiray wiil 10 sano jir ah isaga oo ciqaab uga dhigaya.

Abdul Rahim Omar, oo 21 jir ah, ayaa ka xiiray madaxa ilmahan ka dib markii uu ku ciyaarayay qalabka xiirista oo uu ku sheegay inuu yahay khatar.

Ka dibna Waxa uu ku dhaqaaqay in uu Wiilka timaha ka xiiro, halka kuwo kalena ay daawanayeen iyaga oo qosol jaanta wadhay, sida ay maragu ka fureen maxkamadda Luton Crowan horteeda.

Wiilkan ayaa dareemay in ihaano iyo Yasid loo geystay ka dibna waxa uu wacay 911 waxaanu kaalmo waydiistay booliska.

Ra`iislaha oo ku nool gobolka Bedfordshire ee badhtamaha England, ayaa lagu soo oogay inuu sababay dhaawac jidheed oo cunuga ah.

Garsooraha Richard Foster ayaa tilmaamay in ciqaabta ay ahayd mid xun ayna lahayn cudur daar.

Qareenka Alex Radley, oo matalayay wiilka maxkamada horteeda, ayaa sheegay in ilmaha loo geystay dhib mid nafsi ah iyo mid jidheed ba.

Qareenka Timaha Jaraha Ahtik Raja ayaa sheegay in Muwakilkiisu uu ogaaday inuu sameeyay khalad weyn islamarkaana uu qirtay qoomameeyay dambiga ficiladiisa.

Warqabadka ToggaHerer

Advertisement

Ku Xayeysiiso