Gudaha Ka Eeg :Maamulaha kastamka Bali-gubadle Oo La Sheegay In Uu Xabsiga U Taxaabay Gudoomiyihii Ololaha Xisbiga Kulmiye Ee Balli-gubadle Siciid Yuusuf Aadan .

 

Maamulaha kastamka Bali-gubadle ee Gobolka Hawd ayaa Xabsiga u Taxaabay Gudoomiyihii Ololaha Xisbiga Kulmiye Ahna Wakiilka Shirkada Qaadka 571 ee Baligubadle Siciid Yuusuf aadan.

Siciid Yuusuf aadan oo hada ku xidhan Saldhiga Booliska Magaalada Baligubadle Oo aanu la xidhiidhnay ayaa noo Xaqiijiyey Xadhigiisa,waxaanu Xadhigiisa ku Tilmaamay mid sharciga Baalmarsan,waxaanu sheegay in uu Xadhigiisa ka dambeeyo Maamulaha Kastamka Baligubadle Maxamed Gurey isla markaasina aanu ilaa hada garanayn wax lagu soo xidhay.

Siciid Yuusuf aadan oo ah Wakiilka Shirkada Qaadka ee 571 ayaa waxaa Uu Maamulaha kastamka Bali-gubadle ee Gobolka Hawd uu ku eedeyey inuu la kala saftay labada Shirkadood ee Qaadkoodu soomaro Kastamka Magaalada Baligubadle oo Tartan Ganacsi ka dhexeeyo oo Ah Shirkada Qaadka 571(ina Af-Diinleh) iyo ina Caare oo lagu wada Cashuuuro Kastamka Baligubadle,Waxaanu Siciid Yuusuf aadan Farta ku Fiiqay in Maamulaha Kastmaka Baligubadle Maxamed Gurey uu Qaadka Shirkada 571 Saaro Lacag Dheeriya,Halka Qaadka ina-Caare oo ay Hayb wadagaan Maamulaha Kastamka uu Ka Daayo Cashuur badan.

Siciid Yuusuf aadan oo ah Gudoomiyaha Ololaha Xisbiga Kulmiye ayaa lagu Xasuusta inuu ahaa Dadkii Naf iyo Maalba u Hurey Xisbiga Talada Dalka Haya ee Kulmiye kana mid ahaa Dadkii Keenay Guushii Xisbiga Kulmiye ka Soo Hooyey Gobolka Hawd Doorashadii Madaxtooyada Somaliland ee Uu Ku Soo Baxay Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Halka Maxamed Gurey oo 15-kii Bishan loo soo Magacaabay Maamulaha Kastamka Magaalada Baligubadle ee Gobolka Hawd Uu ahaa Dadkii u ololaynayey Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani .

 

Advertisement

Ku Xayeysiiso