Tartanka & suuqa ganacsiga

 

Tartanka ganacsiga iyo fahankiisu waa waxyaalaha tirarka waaweyn u ah in shirkaddi shirkad kale ka hormarto, tu kalana ku dunto , sida darteed waxa tartanka lagu tilmaam  dabayl aan kala go’lahayn sida oo kale tilmaama ‘Hal-abuur wax dumiya’ (Creative destruction), tartanku fursado ganacsi ayuu abuura halka uu kuwa kalan burburiyo, waayo waxa shirkad ‘X’ faa’iido u ah shirkad ‘Y’ waa dhibkeeda iyo dib u dhaceeda,sida daraadeed waxay shirkaduhu kharash badan ku bixiyaan oo habeen iyo maalinba ay raadiyan siday shirkadiba shirkad kale ee ay suuqa ku wada jiran xog ku saabsan arrimaheeda u heli lahayd.

Haddaba si shirkadi u gaarto meel sare oo ay hore u sii qorshaysatay, waa in ay jirto wax ay kaga fiican tahay shirkadaha kale ee ay isku suuqa ku wada jiraan, waxa shirkadi shirkad kale kaga fiicantahay waxa la yidhahada ‘competitive advantage’, sida oo kale waxyaabaha shirkadi kaga fiicnaan karto kale waxay noqon karan waxyaabaha shirkada ka dhiga in ay gaadho oo ay hesho faa’iido fiicaan.haddaba mihiimada ugu weyn ee tartanku waa in suuqa lala tallaabsado amaba suuqa laga sii horeyo oo la sii hor dago.

Waxa is waydiin mudan maxay shirkaduhu ku kala fiican yihiin ? si kooban waxaynu odhan karnaa waxay ku kala fiican yihiinTayada alaabta ama adeega  ay iibinayan ,Qiimaha,Maamulka & ka duwanaanta sida oo kale waxa kala duwananshiha keena Suuqa,Technology ga, habka go’aan qaadashada maamulka & daryeelka macamiisha. Iyadda oo intaasi ay jirto waxa dul socda oo si guud u sameeya sixir bararka iyo kobaca dhaqaalaha,siyaasada iyo shuruucda; isbedellada  dhaqan dhaqale ee dalka.

Haddaba sidee ayay shirkadi u ilaashan kartaa suuqeeda ?

Si ay shirkadu u difaacto una ilaashato suuqeeda waa in ay la timaada arrimaha soo socda miduun

Baqdo gelin(Deterrence), weerar,difaac . hadda maaha kuwii dagaalka xabada faranta lakiin kama dhacan. Aynu mid mid u soo qaadano.

Baqo gelin ama cabsiin(deterrence): waa istiraatijyad la isticmaalo marka laga hortagaayo tartame soo gelaya suuqa amal la difaacanayo positionka ad kaga jirto suuqa.

Ta labaad waa weerarka waxa la yidhi nooca ugu fiicaaa ee weerarka  waa in la weeraro istaraajiyada cadowaga, In saaxiibadiisa la kala jejebiyo ta kale waxa weeyan in la weeraro ciidankiisa. Tan ugu liidata waa in la weeraro magaalooyinkiisa ,haddaba innaga oo ka duulayna aragtiidas weerarka ganacsiga waxa loo kala qaybiya

1-In la weeraro istaraatiijiyada tartamaha iyadda oo la isticmaalayo habab badan,inta aan weerarka la qaadin waxa mihiim ah in si fiicaan loo yaqaano istiraatiyadiisa tusaale ahaan waa in la galo si dhakhso ah qayb suuqa ka mid ah oo aan istritaatiyada ahaan isaga agtiisa aan mihiim ka ahayn.

2-In la weeraro saaxiibbada tartamaha  waxa tusaale loo soo qaata shirkadda baabuurta ee BMW waxay iibsatay sida ROVER iyadoo ujeeddada ugu weyni ahayd in HONDA aysan suuqa soo gelin.

3-In la weeraro ciidankiisa tani waa qaabka ugu fiican waa in laga weeraro tartamaha meel uu ka jilicsan yahay, ama ay ku adag tahay in uu difaaceeda xooga saaro.

4-In la weeraro magaalooyinkiisa. weerarka noocan oo kale ah oo badanaa khatar badan huwan, waa in tartamaha lagu weeraro meel uu ku xoog badan yahay.

Haddaba haddii intaasi ay kuu dhacday noocyada weerarada ah ee aynu soo sheegnay waxay kaliya sheegan sida wax loo weeraro lakiin kama hadlan nooca hubka iyo ciidanka la isticmaalyo. waxa jira tool  la isticmaalo si weerarkasi u noqdo mid saamayntiisa leh.

Qiimo jebin(Price discounting)

Qiimo jaban iyadda oo tayada  hoos loo dhigayo

Qiimo la mid ah tii uu iibinayay tartamuhu, iyadda oo tayada laga soo saraysiyo tiisa

Qiimo sare iyadda oo tayadda laga kordhinayo tiisa.

Hal abuurnimo.sida in alaabtii si ka duwan tiisa loo so xidho ama package gareeyo.

Xayaysiis faro badan. in kharash badan oo qoondeeyo xaysiiska si ka badan sidiisa.

 

W/Q:Abdinajah Ismail

DHAMMAD

Advertisement

Ku Xayeysiiso