War-saxaafadeed ka soo baxay odayaasha musdambeedka jaaliyadaha reer Somaliland ee deggen, carriga ingiriiska kuna tilmaaman taageero xusbiyada mucaaridka u midoobay danta shacabka Somaliland, dabaggal mashruuca xumbawayne iyo geeddeeble

Bismillaahi Arramanirraxeem.Dhammaan ummadda reer Somaliland iyo warbaahintooda waxaanu idin leenahay Asalaamu calaykum wa raxma tullaah wa barakaatuh.Allah ayaa mahad mudan,rasuulkiisa Muxamed naxariis iyo nabadgelyo korkiisa ha ahaato.

Waxaa si aad ah noo soo jiidatay labada xusbi qaran ee UCID iyo WADDANI ee u midoobay in ay dabaggal ku sameeyaan baahiyaha jira ee ay tabayaan bulshada dayacan taas oo ay samaysteen guddi ka kooban labada xusbi dhinac walba afar xubnood oo arrintani waxay waxtar ballaadhan u tahay, dawladda iyo xusbiyaduba ay ka wada shaqeyaan shacabkooda baahan dawladdana waxay u tahay toosin haddii ay wax ka qalloocdaan.

Talo soo jeedin.

In ay guddida ay iska magacaabeen labada xusbi dabaggal ku sameeyaan mashruuca biyo ballaadhinta rajada wanaagsan leh ee le Xumbawayne iyo mashruuca kale ee GEEDDEEBLE soona afjaraan muranka ka taagan labada mashruucba dawladduna gacan ku siiyo, Lana xisaabtamaan labada hay,adood ee kala ah AL-KHALIIFA iyo AL-AFLAX iyo dawladdabaIn ay xoojiyaan labada xusbi qaran ee UCID iyo WADDANI xidhiidhkooda halkaas waxaa ku jirta faa,iido buuran oo saddexda xusbiba ee kala KUlMIYE, UCID iyo WADDANI   waxay u adeegayaan shacabkooda xilku wada saaraanyahay In hurumarka dalka wada gaadhsiiyo gaarahaan darafyada Somaliland sida gobolka awdal gobollada sool sanaag iyo cayn.In dalka lagaga wada shaqeeyo qorshaha iska wax u qabso dhalliyaraduna dhulkooda amminaan oo aanay u haqal taagin dhalliyaro  ay ka qiima roonyihiin oo wax waddankooda u qabtay.In aanu diinku ka qiima waynaan ibna aadamka maxkamadduna dalkuna ka fiirsato xukunka ay qaadayso.In aan lagu  mashaquulin oo keliya qabyaalad ee laga wada tashado hurumarka dalka iyo baadidoonkiisa aqoonsi uu caalamka ka helo.In laga fiirsado shirkadda DP WORLD  carabta aanay dadka afrikaanka ah aanay qiima la lahayn isuna haysta in ay ka caqli wanaasanyihiin.In laga qayb qaato dibuheshiinta beelaha reer Somaliland beeline aanay beel ka xigtaysan dawladda ka wada dhaxaysaIn qarannimada meel looga soo wada jeesto si ay cadowga isaga kaashadaan muwaaddniinta reer SomalilandIn qiimaha shilinka Somaliland kor loo qaadoIn laysku qiimeeyo dalka la wada leeyahay  Allaah wayna laga cabsoodo khayrkana lays faro xumahana layska waaniyo.

Deeq Cabdi Digale

Advertisement

Ku Xayeysiiso