Madaxweyne Madbacadda Qaranku Manhajka Ha Daabacdo!!!!!!!!!!

Hordhac
Ugu horayn waxay mahad dhamaanteed u sugnaatay Allaaheena weyn, marlabaadka waxaaan si farxad leh ugu hambalyeynayaa madaxweynaha la doortay go’aanka tudhaalaha leh ee uu ugu hiiliyey ardayda jamhuuriyadda somaliland ee dugsiyada hoose dhexe ee ah in buuggaagta manhajka ay lacag la’aan ku heli doonaan hambalyo hambalyo hambalyo

Muddane madaxweyne waxa aan dhegaystay haddal aad ii taabtay oo aad ka jeedisay xaflada xuska maalintii dhagax tuurka 20 February, gaar ahaan markii aad ka hadlaysay waxbarashada dhalinta somaliland, muddane madaxweyne ardayga danyarta ahi ma arko dawlad maal gashanaysa wuxuu iibsadaa balcadiisa, wuxuu iibsadaa buuggaagtiisa hanoqoto buugga uu wax ku qorto (exercise books) ama buugga manhajka ah wuxuu iibsadaa xitaa qalinkiisa markaa sidee looga filan karaa in uu noqdo qof jecel somaliland? Jawaabtu waa haddalkii aad jeedisay ee ahaa buuggaagta manhajka in bilaash ardaygu ku helo oo uu arko dawladdiisii oo maalgashanaysa.

Muddane madaxweyne waad asiibtay laakiin waxbaa dhiman ee madaxweyne tallooyinkan halagu daro:

1. Madaxweyne manhajku waa dhokomenti qaran sidaa awgeed dunida oo dhan waxa daabaca madbacaddaha qaranka waa sharaf marka ardaygu arku (waxa lagu daabacay madbacadda qaranka JSL) wuxuu si qoto dheer u dareemayaa in uu leeyahay qaran wax u daabaca (sense of nationhood). Madaxweyne xusuuso waagii jamhuuriyadda soomaliyeed waxaynu wax ku soo baranay manhaj lagu daabici jirey madbacaddi qaranka ee waagaas. Waxay ahayd sharaf waxay ahayd dawladnimo

2. Madaxweyne aan joojino biliqada dhokomentiga qaranka aan awood siino madbacadda qaranka xag sharci, xag maamul iyo xag dhaqaale si ay u gudan karto waajibaadkeeda, imika shaqadii madbacadda loo abuuray 75% gacanta uguma jirto , sideedaba madbacadda qaranka waxa loo abuuray sadex ujeeddo oo kala ahaa
 In dawladdu yeelato wakaalad ama shirkad u daabacda dhokomentiyada ay ku shaqaynayso oo dhan si loo mideeyo daabacaadda dawladda loona xafido sirta iyo xogaha qaranka isla markaana loo yareeyo kharashka dawladda kaga bixi lahaa daabacaadda dhokomentiga (security and ecnomic principle)
 In la dhiirigaliyo waxbarashada lana soo saaro manhaj iyo buuggaagta ardaygu wax ku barto oo bilaash ah ama qiimo jaban ah si danyarta loogu daneeyo oo ay u awoodi karaan (low income families)
 In dhokomentiga la xidhiidha dhaqaalaha sida waraaqaha lacag qabashadda dawladda iwm lagu daabaco.

Gabagabo
Madaxweyne waxa aad ku ololaysay dawlad wanaag, haddii aad madbacadda qaranka dhisto oo dalka aad ka qabato bililiqada dhokomentiga qaranka ee ninba inyar lagu naasnuujiyey oo aad midayso daabacaadda qaranka oo sirta dawladdu xafidanto ogoow waa dawlad wanaage.

Gobanimo adaa mudan galaddana alleyska leh
Qalinkii: Macalin Eng Abdirashid M Jama (Belel)
Governance002@gmail.com

Advertisement

Ku Xayeysiiso