SHIRKADA MAALGASHIGA EE SOMALILAND (SOMALILAND INVESTMENT COMPANY) SHARCI AHAAN MA WAAFAQSANTAHAY XEERARKA IYO QAANUUNKA JAMHUURIYADA SOMALILAND?

SHIRKADA MAALGASHIGA EE SOMALILAND (SOMALILAND INVESTMENT COMPANY) SHARCI AHAAN MA WAAFAQSANTAHAY XEERARKA IYO QAANUUNKA JAMHUURIYADA SOMALILAND?
Jamhuuriyada s/land waa qaran 27 sanno ay wax badan ka maqnaayeen oo ay ugu horayso ictiraaf,(recognition)maalgashi caalami(foreign investment)hadaba beryahan waxa saxaafada iyo warbaahinta maxaliga ah kusoo noqnoqonaysay arrinta laxidhiidha shirkadan cusub ee aan nooceeda hore gudaha Somaliland uga jirin balse ah shirkad wadamo badan oo caalamka ahi leeyihiin ah kana qayb qaadata heerarka koboca iyo kor uqaadista uguna tartamta maalgashiga dibada uga imanaya wadanka leh shirkadahan, oo loo yiqaano(foreign investment companies) waa mid horumar ah marka uu wadanku leeyahay ee aan loo lahayn private,hadaba waxa muuqata in shirkadani tahay mid shaadhka wadanka huwan balse ah shirkad dad gaar ahi ku macaashayaan iyagoo ka faa,iidaysanaya shacabka Somaliland oo ah shacab inta badan la khaldo oo arrimaha danaha gaarka ah loogu dhigo dan guud iyadoo sawirka danta guud lasoo dhejiyo kuna hoos shaqeyaan dantii gaarka ahayd ee asalka ahayd
Hadaba shirkadan oo laga duwaan geliyey xarunta dhaqaalaha caalamiga ah ee dubai(Dubai international financial center) ayaa ah shirkad s/land ku sawirantahay oo loogu talo galay horumarka s/land waa sida ay u dhigayaan w/arimaha dibada s/land iyo safiirka s/land u fadhiya imaaraadka Baashe oo ah nin wax badan kadanaystay s/land walina haya hayaankii dheeraa ee ka, danaysiga dalka waxa labadan shakhsi ee magacyadoodu kor ku xusanyihiin ay ku jiraan boardka shirkadan companygan oo ah nooca loo yiqaano (company limited by shares) noocan oo isagu u qaybsama laba waaxood mid ah private iyo mid public ah oo ay saamigiisa cid walba ka qayb qaadan karto hadaba noocan aynu ku jirno ayaa ah mid dadka abuuraya companygu ay iyagu wada iibsadaan saamiga iyo mid qaybta hore as aasayaashu iibsadaan balse waxa ah arincad in shirkadani aanay ahayn mid dawli ah balse ay tahay mid gaar ah inagoo og cida ku qoran heshiiska lahaanshiyaha shirkada oo ah w/arimaha dibada iyo safiirka imaaraadka waana shaqsiyaadka heshiiska galay mana jiro xeer lagu maamulayo shirkadan oo ilaa hada aan ognahay oo samaysan umadana loo baahiyey xeerarka wadankana kuma jirto samaynta shirkad noocan ah mana ah mid ka ansaxday golayaasha ansixinta heyadaha maalgashi maadaama ay tahay arin taabanaysa dhaqaalaha wadanka maaha heshis gole lakeenay mana jirto bayaamin iyo cadaymo arintan companyga in wadanku leeyahay oo umada latusay,majirin miisaniyad ay arintani ku jirtay oo aynu aragnay iyo xeerka loo raacayo midna,mana waafaqsana xeerarka wadanka
Hada waxaan talooyin iyo tilmaamo shaqsiya usoo jeedin lahaa masuuliyiintayda qaranka hogaaminaya maanta qodobadan hoos kuqoran.
 In la cadeeyo ujeedada dhabta ah ee kadanbaysa aas aaska shirkdan lawaafajiyaana xeerarka iyo shuruucda wadanka u yaala waa hadii shirkad dawli ah tahay iyo sida kuxusan xeerarka shirkadaha maalgashiga dibada ee caalamiga ah
 In masuuliyiinta manta xilalka ahayaa ay yihiin u adeegayaal umadeed masuuliyadana alle uga baqdaan ogaadaana culayska ay leedahay masuuliyadu oo aanay aakhiro hilmaamin, oo ah meesha u baahan in lamaal gashado oo manta ay gacantooda ku jirto hantidii umada s/land oo ay hoos yimaadaan agoomihii,danyartii iyo cid kastoo muwaadiniin ah.
Wabillaahi Tawfiiq
Abdulkadir Farlow Xaashi
Title: Falanqeeye arimaha siyaasada.
E-mail. Xaashi74@gmail.com

Advertisement

Ku Xayeysiiso