Muuse waa raggeedii.

Muuse waa raggeedii.

 

Tallaabooyinka koowaad, ee Madaxweyne Muuse ku ibo-faray safarkiisa Shanta sanno ah, waa kuwo ina tusi kara bartilmaameedka uu beegsanayo. Lababa way dhici karaan, inaynaan xaqiiqsan sida uu wax u wado iyo inaynu judhaba fahamno higsigiisa.

 

Muuse waa shakhsi aynu qofnimadiisa barannay wakhtiyo kala duwan. Waa qof hankiisu inooga warrami karayo, halka iyo heerka uu gaadhi karayo – waa haddii uu go’aansadee.

 

Tallaabooyinkan uu qaadayo iyo habkan uu wax u soo dhiraan-dhirinayaa halkay ku biyo shuban karaan aan iswayddiino. Waa midda kale, muxuu doonayaa iyo siduu u doonayaa aan isla fahamno.

 

  1. Habkan uu wax u dhiraan-dhirinayaa waa hab ku habboon in wax loo toosiyo, sida, magacaabidda dad aqoon leh, tayo leh, macallimiin ah, oo waddankooda u hagarbaxay. Waana hab inugu ridi kara, halka aynu doonayno inaynu gaadhno oo ah, qofkasta iyo kaalintiisa [Right man and right position]. Waa midda kale e, sida uu u kala haadiyey habqankii wasiirrada ahaa ee Madaxweynaha aad moodaysay inay xoghayn u yihiin iyo sida uu isaga hurgufey. Taas oo markii hore ee magacaabiddooda uu ka baaraan-degay inuu soo doorto rag daba-dhahleeya, iyana waxay tahay tusaale cad oo aynu qaaadan karno. Tanna waa mid ina tusaysa inuu habkan uu wadaa yar hagaagsan yahay.

 

  1. Aan isku dayno inaan ka warcelino wayddiinta labaad e, waxay u muuqataa inuu doonayo inuu gaadhaa waa: dad iyo dal isla jaanqaada, dawlad bilaa turxaan ah markay u badantay, heerka waddaniyadeed iyo waxqabad oo heersare gaadha, isaga oo ku suntama halyey ummaddiisa u soo baxay.

 

  1. Warcelinta saddexaad waa: wuxuu doonayaa inuu ku gaadho, si ka duwan sidii kuwii ka horreeyay. Waayo, sansaanka hab-u-dhaqankiisa cusub markaad aragto, ayaad xaqiiqsanaysaa inuu doonayo inuu ahdaafta mudanka ah u maro waddo ka duwan waddadii hore ee loo mari jiray. Bal u fiirso, halka uu ka bilaabay safarkiisa siyaasadda arrimaha dibadda, tan iyo intii la doortay, waa mid inoo dhigaysa cashar cusub oo ka duwan casharradii hore. Taas iyo badan kale ayaana ina tusaya siduu u doonayo inuu wax u beddelo.

 

Haddaba, wayddiin kale maka warcelinnaa oo ah: Muuse ma ku saxsan yahay sida uu wax u doonayo, maxaa se uu fursado heli karaa?

 

* Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, wuu ku saxsan yahay habkan uu wax u wado iyo hannaanka uu wax u doonayaba. Haa, weliba waxaan odhan karaa 90% waa sida aynu uga kici karayno habaaska hankeennu ina baday. Waa midda kale e, fursado badan ayuu u haystaa inuu gaadho hankiisa. Waxa ugu horraysaba awooddiisa madaxweynenimo, midda maamul iyo midda jihayneed ee waddankan aan rejada fiican qabin.

 

Intaasiba waxay ku tusaysaa, halka iyo heerka Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi. Waana mid aynu la higsanayno, uguna ducaynayno in Alle waafajiyo.

 

Farriintaydu waxay tahay:

Madaxweyne noqo, qof qalbi ahaan na ah, se aan qawl ahaan na noqon. Qof naga duwan, aragti ahaan, indheergaradnimo ahaan, aqoon ahaan, oo inta aanu arki karayno uun, billaahi calayk hanala arkin, Sidaad nooga qoortaag badan tahay, nooga ildheeroow.

 

Wabillaahi tawafiiq

 

Cabdicasiis Ibraahin Ciise (Daacad)

 

Advertisement

Ku Xayeysiiso