Bilayska Australia Oo Xidhay Nin ay ku Eedeeyeen in uu Dilaal ka ahaa iibinta Sawaariikh Iyo khibrad millatari oo loo diro Waqooyiga Kuuriya

Bilayska Australia ayaa ku eedeeyay nin degan magaalada Sydney in lagu tuhunsan yahay inuu dhexdhexaadinayay Iibka iyo aqoonta millatari kana iibinayay Waqooyiga Kuuriya.

Booliska ayaa sheegay in ninkan oo loo magacaabo Chan Han Choi ay taariikhdiisa iyo asalkiisu dib ugu noqonayso koonfurta Kuuriya balse uu ku noolaa Australia muddo 30 sano ah.

Bilayska ayaa aaminsan in tuhmanuhu uu sidoo kale isku dayay inuu ka iibiyo dhuxul Waqooyi Kuuriya oo u dhoofiya Vietnam iyo Indonesia si uu uga caawiyo lacagta adag Pyongyang, taas oo ay saaran tahay cunaqabatayn caalami ah.

Mas’uuliyiinta Australia waxay yidhaahdeen qiimaha iibka waxa lagu qiyaasayaaa tobanaan milyan oo doolar.

Warqabadka ToggaHerer

Advertisement

Ku Xayeysiiso