Baaq Ku Socda Madaxweynaha La Doortay Iyo Xisbiyada Mucaaridka Ah

Taariikh: 11/ 12/2017

Ku: Madaxweynaha La Doortay ee JSL                                                –           Hargeysa

Ku: Xisbiga Waddani                                                                     –           Hargeysa

Ku: Xisbiga UCID                                                                             –           Hargeysa

Ku: Dhammaan Warbaahinta JSL                                              –           Xaruumohooda

 

UJEEDO: BAAQ KU SOCDA MADAXWEYNAHA LA DOORTAY IYO XISBIYADA MUCAARIDKA AH

Asalaamu Calaykum:

Ugu horrayn waxaanu duco ballaadhan u diraynaa madaxwaynaha la doortay ee JSL Mudane Muuse Biixi Cabdi, annagoo Ilaahay SWT uga baryayna inuu xilka ku asturo, kana dhigo madaxwaynihii dalkiisa iyo dadkiisa gaadhsiin lahaa horumar iyo ictiraaf.

Marka xigta waxaanu ku xasuusinaynaa arrimo aad adigu nooga aqoon badan tahay oo aanu kugu boorinayno in aad wax ka qabatid:

  1. Mudane Madaxweyne Waxaad ogtahay in Sannadihii hore uu dalka ka dhacay musuq-maasuq baahsan sida uu caddeeyay Gudoomiyihii hore ee komishanka maamul-wanaaga iyo la dagaalanka musuq-maasuqa, sidaa awgeed waxa aanu kaa codsanaynaa si loola dagaalamo musuqa in aad ku dhiiratid talaabooyinkan:
  2. In aad diiwaangalisid isla markaana shaacisid hantidaada gaarka ah ka hor inta aanad xilka la wareegin sida uu kugu waajibaanayo dastuurka Qaranka JSL qodobkiisa 82aad , si ay kaaga sii daydaan wasiirada iyo dhamaan shaqaalaha dawladu.
  3. In aad ka soo celisid hantidii ay lunsadeen dadkii musuqa ku kacay sannadihii hore ee tagay.
  4. Dhinaca Kale Mudane Madaxweyne Waxa dalka ku baahay sannadihii ugu dambaysay xaalad qabyaaladeed oo aad u adag taasoo diciifinaysa qaranimadeena, sidaa awgeed dhinaca la dagaalanka qabyaalada waxaanu kuu soo jeedinaynaa arrimahan:
  5. In aad ku dhawaaqdid in aad gabi ahaan laashay is-xulufaysiga codaynta ku saabsan ee ka dhaxeeya qaar ka mid ah reeraha Somaliland ee shacab badan dareen san yahay inay astaan u tahay guusha xisbiga Kulmiye, si dhamaan muwaadiniintu ugu kalsoonaadaan in ay suuragal tahay in ay xilka dalka qaban karaan mar uun, oo aanay noqonayn qori isku dhiib laba reerood ka dhexeeya.
  6. In aad ka dhabaysid balan qaadka ku xusan barnaamijkii xisbiga kulmiye ee 2017 ee sheegaayay in aad waxbarashada waddaniyada ku dari doontid manhajka JSL.
  7. In aad asaastid komishan qaran oo qaabilsan xoojinta qaranimada iyo la dagaalanka qabyaalada.

Mudane Madaxweyne waxa lagama maarmaan ah in aanu ku xasuusino in samirka shacabka Somaliland uu maalinba maalinta ka dambaysa sii yaraanaayo oo uu si weyn u karhay siyaasad ma dhalays ah oo aan noloshiisa horumarinayn.

Sidaa awgeed waxaanu si weyn kuugu baaqaynaa in isbadalaadaasi kor ku xusan si cad uga muuqdaan maamulkaaga 100  casho ee ugu horreeya.

Annaguna urur ahaan waxaanu diyaar u nahay in aanu noqono askarta foront-ka ugu horaysa ka galaysa horumarinta dalka waa haddii aad siidhiga noo afuuftid, sidoo kale-na waxaanu si weyn uga soo horjeedsanaynaa wax kasta oo mustaqbalka JSL dhaawacaaya.

  • Dhinaca kale waxaanu xisbiga Waddani ugu baaqaynaa inuu si dhakhso ah uga soo kabto jawigii doorashada, oo aanuu ku mashquulin wixii shalay dhacay oo uu xooga saaro sidii uu u noqon lahaa xisbi mucaarid oo xukuumada hadda dhalanaysa ku ilaaliyo sharciga iyo danta dalka, iyadoo uu dalku aad ugu baahan yahay marxaladan xisbi mucaarid oo aad u firfircoon, si aanuu dalku mar 2aad ugu noqon xaalad mucaaridad la’aan sidii ka jirtay dalka 5 sano ee ugu dambaysay.
  • Sidoo kale waxa xisbiga mucaaridka ah ee waddani la gudboon in mucaaradnimadiisa uu ku saleeyo mabaadiida danta dalka iyo dadka oo uu ka fogaado inuu mucaaradadiisa sal uga dhigo qabyaalad.
  • Xisbiga UCID-na waxaanu ugu baaqaynaa in aanuu siyaasada u fahmin masrax lagu jilo hibooyinka faneed ee ka qoslinta dadwaynaha balse uu u arko inay tahay masuuliyad qaran oo uu ku qaato cashuurta muwaadiniinta laga soo guro, taasina waxay uga baahan tahay inuu la yimaado siyaasad ka mug weyn hadalo makrafoonka laga jeediyo.

 

ALLAA MAHAD LEH

 

URURKA DALSOOR

 

 

 

Advertisement

Ku Xayeysiiso