Qarax aan Lana Garayn Sababta oo Ka Dhacay Tel Aviv!!

Qarax xoog leh ayaa laga soo sheegayaa inuu ka dhacay Tel Aviv ka dibna dab ayaa kacay, taasoo keentay dhaawacyo badan, warbaahinta Israel ayaa werisay xalay qaar ka mid ah dhaawacyada ay dhinteen.

Wargeyska Ha’aretz ayaa sheegay in seddex qof ay ku dhinteen degaanka Yaffa, laakiin warbaahinta kale ayaa kaliya oo ka hadlay in ay jiraan tiro dhaawacyo ah, Booliisku ayaa la sheegay in aanay gaadhin Goobta markiiba.

Sida laga soo xigtay wargeyska Haaretz qaraxa ma aysan keenin ficil dambiile ah, baadhitaan ayaa la furay si loo ogaado sababata.

Sannadkii 2013, bam ayaa ku qarxay Gudaha Bas Magaalada Tel Aviv, mas’uuliyiinta ayaa ka hadlay weerarka kuna Sheegay Mid “argagixiso”.

Warqabadka ToggaHerer

Advertisement

Ku Xayeysiiso