Iska-horimaadyo u dhaxeeya Buddhistayaasha iyo Muslimiinta oo Sri Lanka ka dhacay


Amniga ayaa la adkeeyey gobolka xeebta Gali ee Sri Lanka kadib markii isku dhacyo uu ka dhex qarxay aqlabiyadda Buddhist iyo dadka tirada yar ee muslimiinta ah.

Rabshadahan ayaa la sheegay inay soo baxeen ka dib markii nin baaskiilad wataa uu ku dhuftey haweenay muslim ah.

Dad badan oo Buddhist ah ayaa weeraray daraasiin guryaha iyo dukaamo muslimiintu leeyihiin.

Bilayska iyo ciidanka la dagaalanka rabashadaha ayaa lagu faafiyey deegaanka waxayna xidheen 19 qof.

Bandowga ayaa laga qaaday shan goobood waxayna madaxdu uga digtay dadka deegaanka inay kor u qaadaan rabshadaha iyaga oo adeegsanaya Baraha bulshada.

Isku dhacyadaasi oo kale ayaa ka dhacay aagga u dhow saddex sano ka hor kuwaas oo boqolaal Muslimiin ah ku khasabtay inay ka cararaan guryahooda.

Warqabadka ToggaHerer

Advertisement

Ku Xayeysiiso