Maamulka Xamar oo daaha ka rogey geeddi-socodkii qorista Hindise Sharciyeedkeeda Xuquuqaha Carruurta

 

 

 

MUQDISHO 16 Nofembar 2017 – Wasaaradda Haweenka iyo Horumarinta Xuquuqaha Aadanaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta waxaa ay hore u qaaddey tallaabo weyn oo la xiriirta xoojinta xuquuqaha carruurta iyada oo daah-rogtey geeddi-socodkii qorista Hindise-sharciyeedkeeda Xuquuqaha Carruurta, kaas oo ah mid ay Wasaaraddu si weyn u aaminsan tahay in uu hubinayo mustaqbal ka wanaagsan kan hadda oo ay helaan carruurta Soomaaliyeed.

 

Wasiiradda Haweenka iyo Horumarinta Xuquuqaha Aadanaha, Deeqa Yaasiin Xaaji Yuusuf iyo Agaasime-goboleedka UNICEF ee Bariga iyo Koonfurta Afrika, Leila Pakkala, ayaa geeddi-socodkaa daaha uga rogey Magaaladda Muqdisho. Wasaaradda ayaa UNICEF iyo Ururrada Bulshada Rayidka ah ee Soomaaliyeed kala shaqeyneysa geeddi-socodka qorista waxaana ay rajeyneysaa in bulshada Soomaaliyeed ay wax badan ku biirin doonaan.

 

Hindise-sharcigeedka Xuquuqaha Carruurta, ayaa marka la ansixiyo, waxaa uu aasaas u noqon doonaa kor-u-qaadista iyo ilaalinta xuquuqaha dhammaan carruurta joogta dalka. Soomaaliya ayaa ansaxisey Heshiiska Xuquuqaha Carruurta bishii Oktoobar 2015kii.

 

“Daah-rogga geeddi-socodka qorista sharcigan faahfaahsan ee carruurta waxaa uu muujinayaa sida Dowladda Federaalka ay uga go’an tahay in ay hubiso in Qodobbada Heshiiska Xuquuqaha Carruurta si dhab ah looga hirgeliyo Soomaaliya,” ayaa ay tiri Wasiiradda Deeqa Yaasiin Xaaji Yuusuf. “Carruurta dalkan waxaa saameyn xun ku yeeshey colaad hubeysan, abaar iyo dhibaatooyin kale oo badan. Waqtigan waa in aan diiradda saarnaa hubinta mustaqbalkooda annaga oo xoojineyna shuruucda awood u siinaya in ay helaan xuquuqaha ay u leeyihiin, oo ay ka mid tahay xaqa ay u leeyihiin korriimo iyo kobcid, waxbarasho, iyo ilaalin iyo kuwo kale.”

Daah-roggan ayaa imanaya xilli ay Wasaaradda Haweenka iyo Horumarinta Xuquuqaha Aadanaha ka shaqeyneyso dhammeystiridda ‘Warbixinta Hordhaca ah ee Dowladaha Qaybta ka ah Heshiiskii Xuquqaha Carruurta, ee 1989” ee Dowladda Federaalka ee Soomaaliya, taas oo loo gudbinayo Guddiga Qorumaha Midoobay ee Xuquuqaha Carruurta, oo ah guddi heer caalami ah oo la soo doortey oo ka kooban khubarro madax-bannaan oo xaruntiisuna tahay Geneva, guddigaas oo korjoogteeya hirgelinta Heshiiska Xuquuqaha Carruurta. Warbixinta, oo la gudbiyo laba sano ka dib ansaxinta Heshiiska, waxaa ay tibaaxaysaa illaa heerka uu dalku ka gaarey xaqiijinta xuquuqaha carruurta.

 

“Ilmo kasta oo Soomaaliya jooga waxaa uu xaq u leeyahay – sida dhammaan carruurta kale ee dunida – in uu si buuxda u helo dhammaan xuquuqihiisa,” ayaa ay tiri Agaasime-goboleedka UNICEF ee Bariga iyo Koonfurta Afrika, Leila Pakkala. “Waxaan ku kalsoonahay in Hindise-sharciyeedkan Xuquuqaha Carruurta uu bixin doona aasaaskii sharci ee si taabagal ah kor loogu qaadi lahaa looguna ilaalin lahaa dhammaan xuquuqaha carruurta ku nool Soomaaliya, oo ay ka mid yihiin kuwa sida aadka loo gacan-bidixeeyo.”

 

Macluumaad dheeri ah oo ku saabsan Wasaaradda Haweenka iyo Horumarinta Xuquuqaha Aadanaha ee DFS (MoWHRD) booqo http://mwhrd.gov.so/en/mwhrden/

Kala soco MoWHRD  Facebook iyo Twitter

La soo xiriir:  Deeqo Suleymaan Yuusuf, Agaasimaha Guud ee MoWHRD, dg@mwhrd.gov.so

 

 

 

Macluumaad dheeri ah oo ku saabsan UNICEF Somalia ku booqo www.unicef.org/somalia

UNICEF Somalia kala soco Facebook iyo Twitter

Macluumaad dheeri ah, fadlan kala soo xiriir:
Susannah Price, UNICEF Somalia, +254 722 719867, sprice@unicef.org

Advertisement

Ku Xayeysiiso