Argaggixiso Khatar oo ku Noqday Jeelka ka dib Laba Maalmood oo Fasax Gaar ah!!!

Dimitris Kovodinas laguna helay fal argagixisanimo xubin ka tirsanaa kooxda Marxist ee lagu eedeeyay argagixisanimo, “17-kii November” ayaa ku soo laabtay xabsiga kadib laba maalmood oo fasax ah.

Kovodinas ayaa yimid xabsiga Korydalos saacad iyo badh ka hor waqtigii kama dambaysta ahaa iyaga oo ay la socdaan xaaskiisa iyo wiilkiisu.

Kovodinas oo 59 jir ah ayaa lagu helay 11 danbi ciqaabeed waxaana lagu xukumay Xabsi ah madaxaa ha ku furto iyo waliba 25 sano oo ah 11 danbi oo dil ah oo uu ka qayb qaatay kana mid ah 23-kii dil ee ay geysteen kooxdiisa hubaysani.

Kooxdu ayaa markii ugu horreysay soo muuqatay markii madaxii Mukhaabaradka ee Maryaknka ay ku dileen Athens Mr Richard Welch kaas oo la dilay bishii Disembar 1975 lamana garanayn ilaa 2002 ilaa iyo marka mid ka mid ah xubnaha ururka la xidhay ka dib weerarkii bamka been abuurka ah ee isla sannadkaa .

Maraykanka, Ingiriiska iyo Turkiga ayaa ku dhaleeceeyey Giriiga fasax ay siiyeen ee labada-maalin ah.

Warqabadka ToggaHerer

Advertisement

Ku Xayeysiiso