Maxamuud Xaashi Labada Dhinac-ba Wuu Seegay (Muuse Biixi Iyo Beeshiisa-ba) W/Q Xamse Maxamed Iiman

Wasiirka wasaaradda Madaxtooyadda Somaliland Maxamuud Xaashi Cabdi waa siyaasi in badan siyaasada ku soo jiray, waxaanu noqday Maayirkii ugu horreeyey ee magaalada Burco, sidoo kale waxa uu ka mid noqday lix xildhibbaan oo hab beeleed loogu soo doortay shirkii Boorama, hadda waxa uu ka tirsan yahay xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo.

Markii lagu dhawaaqay xisbiga KULMIYE muddo yar ka dib ayuu ka mid noqday Maxamuud Xaashi, sannadkii 2003-kii markii xisbiga KULMIYE lagaga guulaystay doorashadii madaxtooyadda ayuu u dhoofay dalka Ingiriiska, waxaannu ka dhex-baxay hawlihii siyaasadda Somaliland ee uu muddada ku soo dhex jiray, waxaanu dalka dib ugu soo laabtay saddex bilood ka hor guushii Madaxweyne Siilaanyo ee sannadkii 2010-ka.

Maxamuud Xaashi waxa  uu ka mid noqday golihii wasiirrada ee ugu horreeyey ee uu Madaxweyne Siilaanyo ku dhawaaqay 28-kii July 2010, iyadoo loo magacaabay xilka Wasiirka Wasaaradda Duulista iyo Hawada.

Maxamuud Xaashi muddadii uu joogay wasaaradda duulista waxa lagu eedeeyaa in uu lunsaday dhaqaale badan oo caalamku ku caawiyeen horumarinta madaarrada Somaliland, gaar ahaan mashaariic lacago buuran ah oo dawladda Kuwait ugu deeqday casriyeynta iyo ballaadhinta garoomada diyaaradaha ee Hargeysa iyo Berbera, sidoo kalena golleyaasha sharci-dejinta ka xalaashaday qaadista cashuuro aan qasnadda dawladda ku dhicin oo uu kelidii ku takrifalo, cid kala xisaabtantaana aanay jirin.

Maxamuud Xaashi Cabdi waxa la sheega in uu hadda yahay wasiirka ugu awoodda badan xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo siddaa darteed waxa uu isku arkaa in uu yahay siyaasiga kaliya ee u qalma in uu la wareego guddoomiyenimada xisbiga muxaafidka ah ee KULMIYE Muuse Biixi dabadii.

Maxamuud Xaashi Cabdi waxa sameeyay isku dayo badan oo uu ku doonayo inuu ku banaysto guddoomiyenimada xisbiga KULMIYE inta aan la gaadhin doorashada Madaxtooyadda ee loo asteeyay inay dhacdo 13 November ee sannadkan, laakiin wuu ku guul-darraystay dhammaantood.

Muuse Biixi Cabdi oo ah guddoomiyaha ahna Murrashaxa Madaxweynaha ee xisbiga KULMIYE wanaag kamuu samaysan oo waxa uu arkaa in uu yahay shakhsi ka hortaagan xaq uu isagu leeyahay, haddii ay tahay xisbiga dhexdiisa iyo haddii ay tahay beesha uu ka soo jeeda Maxamuud Xaasi marna teelo uma dhigan Muuse Biixi.

Maxamuud Xaashi marar badan waxa uu isku dayay in beeshiisa ku qanciyo inay Muuse Biixi ku sanduleeyaan in uu guddoomiyenimada xisbiga KULMIYE ku wareejiyo, sidoo kale Maxamuud Xaashi waxa uu isku dayay in beeshiisa tuso in aanu Muuse Biixi iyo beesha uu ka soo jeeda waxba u ogolayn iyaga, haddii uu tallada dalka ku guulaystana aanay ka helay xaqooda.

Marar kala duwan ayuu Maxamuud Xaashi fadhiga ka soo kiciyay xubno ka tirsan hoggaanka dhaqan  beeshiisa oo uu isagu masruufo kuwaasi uu u dhago-nugul rabitaankiisa si ay kulamo ula yeeshaan Muuse Biixi iyo madaxda dhaqanka beeshiisa si ay ugu qanciyaan in uu guddoomiyenimada xisbiga KULMIYE ku wareejiyo Maxamuud Xaashi iyo in beeshoodu ay isku raacsan tahay isaga oo kaliya, laakiin marna kuma guulaysan inay arrintaasi dhacdo.

Maxamuud Xaashi waxa uu calaamadsaday xisbiga UCID waxaanu gacansaar dhaw la yeeshay hoggaamiyaha xisbigaasi Faysal Cali Waraabe, Maxamuud Xaashi oo lacago badan tabcaday toddobadii sannadood ee uu kamidka ahaa xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo waxa uu la heshiiyay Faysal Cali Waraabe oo uu ka dhigtay qorshihiisa labaad haddii uu dantiisa ka waayo Muuse Biixi iyo xisbiga KULMIYE in isaga iyo beeshiisuba ay u guuraan xisbiga UCID, Muuse Biixi iyo xisbiga KULMIYE-na ay dhabarka ka jabiyaan laakiin umay sooro-galin.

Maxamuud Xaashi waxa uu ilaabay in uu ka fikiro inta ay leegtahay taageerada uu ka haysto beeshiisa guud ahaan iyo inay jiraan siyaasiyiin kale oo ku abtirsada xisbiga KULMIYE oo kaga awood badan labada dhinac-ba (xisbiga dhexdiisa iyo deegaanka uu ka soo jeedo).

Guul-darradii ugu weynayd waxa ay Maxamuud Xaashi ka soo gaadhay labadii shir ee kala danbeeyaya ee ka dhacay dooxada Dagaar ee galbeedka gobolka Sanaag (shirkii Beesha Biciide) iyo shirkii magaalada Burco ku dhex-maray beelaha bariga Burco iyo galbeedka Hargeysa, waxaanu Maxamuud arkay meeqaamka hoose ee uu ka taagan yahay bulshada uu ka soo jeedo.

Muuse Biixi iyo inta ay rafiiqa dhaw yihiin waxa ay qabaan aragti taa aad uga duwan oo ah in Maxamuud Xaashi aanu marna ka shaqayn danta xisbiga ee guud iyo inuu sidoo kale ka mid yahay xubnaha xil ku xisbiga ah, taasoo keentay in kaadirka KULMIYE ee ay Maxamuud isku beesha yihiin ay mar walba mudnaanta yeeshaan.

Isku dayo badan kadib Maxamuud Xaashi hadda waxa uu is arkay isagoo taagan yahay meel cidlo ah, oo aanu Muuse Biixi iyo isaga wai isugu hadhin, reernimadiina aanu waxba ku haynin.

Dadka ka faallooda siyaasaddu waxa ay sheegayaan in aanu Maxamuud Xaashi ka faa’iidaysan wakhtigii loo baahnaa, sidaa darted uu mustaqbalkiisa siyaasadeed god madow ku dhacay, horaanta bisha November oo la filayo in isbedel ka dhaco Somaliland ayaa la sheegaya in uu Maxamuud Xaashi u bilaamayo wakhtigii ugu adkaa siyaasadda, halka dad badani ay saadaalinayaan inuu si rasmi ah uga bixi doono saaxadda siyaasadda.

W/Q Xamse Maxamed Iiman

Hamzeiiman123@gmail.com

Telephone: +25263 4118626, +25265 4118626,

Advertisement

Ku Xayeysiiso