Kulmiye WaxaDadkii iyo Dalkiiba Kama Duwana Bukaan Socod aan Xummada Dareemeynin.

Tiraba laba jeer ayaan Dalkii tagey mudo aan badneyn gudaheeda iradda Illahay . labadaa jeerba waxa aan aad ula yaabay sida xaal yahay iyo sidaan cidiba u daneyneynin mushkiladaha ummadeenii haysta.Inta baddan dadka dalka dibada kaga soo maqani markay tagaan ee ay ku soo noqdaan qurbaha, waxa ay yidhahdaan nimcaa lagu jiraa oo horumar ayey ka sheekeeyaan intooda badani, qaarbaa guul moodaya adeegyo aan ummadu awoodin oo dalkii la geeyey. 
Anigu waxaa ay dadka qaar sheegayaan maan soo arrag run ahaantii . waxa aan soo arkay Dal iyo Dad jar kasii lusha oo indhahaaga iyo dhegahaaguba diidayaan halka xaal marayo iyo duruufaha lagu sugan yahay guud ahaan. Waxa intaa dheer dhaqan aan dunida inteeda kale ka jirin oo lagu faanayo sharafna la moodayo, hadii ay tahay dadka hogaanka haya iyo kuwa ugu tunka weyn ee ganacsatadda ahba waxay ku xaragoonayaan guul daro iyo fool xummo xad dhaafa.Waxa iyana layaab kale ah shacbigii oo isna aad moodo mid aan dhibaatada iyo xaalada uu ku sugan yahayba dareensanayn, kama duwana bukaan socod xummada aan dareemeyn. 
Hogaanka dalka ka jiraa waxa uu caadeystay oo xalaashaday in uu xilkii loo doortay ugu tagri falo sida uu doono, waxa uu ka dhigtay sidii hanti shakhsiyaad iska leeyiin taladii iyo dakhligii ummadu wadda lahayd. Xarumahii bulshada looga adeegi lahaa waxa loo bedelay Ardaa jifo isugu timaado oo laga waraabiyo in yar oo haybta dhow isugu tiirsan, wasaarad walba waxay hanti gaara u noqotay wasiirka xilkaa ku magacaaban caynadiisa oo qudha.Ummadu caadi bay u aragtaa xilkaa qaran ee jifadu sumadii geelooda ku dhigatay. Warbaahinta localka ahi waxa ay ka sheekeynaysaa nimoco iyo barwaaqo Dadkan iyo Dalkani durduuranayo, balse marka aad hareerahaaga eegto waxa la sheegayo duruufa ka duwan oo aad u qalqalafsan oo layaab leh ayaa kuu muuqanaya oo ku gedaaman ummada danyarta ah.
Shaqada wasiirada Dawladu qabtaan waxay u badan yiin ku tagri falka hantida dowladda iyo kala fogeynta mushtamaca iyo in ay xumaan kala qoqobta isu geliyaan ummadii dhibaateysneyd,wasiir ummad ka dhexeeya oo jifo u xaydan mooyee mid xilkii qaran ee loo diray gudanaya arkimaysid. waxa kale oo la yaab leh ummadii mushkiladaasi haysatay ayaa iyagii u kala baxay reer qansax iyo reer meygaag, wakhtigii ay mushkiladahan hagaasiyey ee ubadkoodii mustaqbal tirey ay kaga wadda hadli lahayeen waxa ka lumiyey ka hadalka qabyaalada dhexdooda ah iyo u hiilinta Nimaan nolol ugu talo galin oo wax uu u hanbeeyey aanay jirin.Waxaad moodaa Dadku guud ahaan in uu yahay mushtamac guumeysi xukumo oo uu u jeexay dariiq qudha oo silsilado ku xidhanyiin, kii aad wax bido ee aad weydiisaa xaaladan ummadu ku jirtaa waxa uu ku odhanayaa wax laga qaban karaa ma jirto Adeer ummad rajo dhigtay yar iyo weyn ayaan soo arkay.
Ganacsatadu inteeda badani iyana waa mushkilad kale oo dhibaatadan qeyb weyn ka ah. Muceeshada qiimaheedii iyo jaaniskii Dadku wax kaga daba dheefi lahayeen way bedeleen oo keligood ayaa dheefta hela cid kalena wax naxariisa umma ahayaan. Sixir bararka iyagaa ugu wacan dalka danyartana nolosha ku cidhiidhyey. Cid ay wax taraan iyo ummad ay u naxariistaan daayoo kii ay xigto ahaan ku siiyeen shaqada ayaa cabanaya oo ay tacadi weyn ku hayaan iraddadda Illahay. Wadaadada Diintuna waa mushkilad kale oo ka mida dhibaatooyinka ummada ku habsaday intooda badani, dalka way shaqaystaan sixir bararkana waa ka badh. Malcaamadahii iyo dugsiyadii diinta laga baranayey sidii bakhaarada ayey ugu shaqaystaan oo danyartu caruurtooda ma geyn karaan dugsi malcamadeed oo Dollar baa laga dhigay wax barashadii oo weliba qiimo kulul ayey ka qaadan halkaana danyartii baa loogu quus gooyeey, waana wadaadadda Jimcaha tukiya ummadaas danyarta ah. Arki meysid wadaad ummada u asxaan falaya Sheakh Aden Siiro mooyee.
Dalkan ummad badan baa ku naf weydey oo tacab badan ayaa la geliyey, in ay si yar oo fudud hadana uu arrinkiisu faro dhexdood uga dhaco oo inyaroo dan gaara eryanaysaa ay u baabiiso maaha. shacbiga waxa la gudboon in ay baruurugaan oo ay mustaqbalka ummada iyo dalkaba ka taliyaan waxna iska weydiiyaan. Mushkiladahaa aan ka soo sheekeeyey qeybo ka mida oo ummadu ku sugantay waxa gadhwadeen ka ah Xusbiga Kulmiye ee talada Dalka haya maanta, in mar kale isla isaguu uu halkii ka sii wadaana waa shay xaaran ah run ahaantii ee waa in laga tabaabusheystaa. Dhaqaalihii ummadan laga af qabtay ayaa maanta lagu rajo iyo mustaqbal tirayaa iyaga iyo ubadkoodii. Kulmiyaha maanta xilka u cumaamadani miyaanu ahayn kii ummadan ragaadiyey dantoodii caamka ahayd? miyaanu hogaanka Xusbiga kulmiye ahayn Aabaha mushkiladaha dhalin yaradii bada ku shubay ee horumarkii dadkan iyo dalkanba baday rajo la’aanta. 
Shacbiga waxaan ku boorinayaa oo aan ku baraarujinayaa in ay dareer iyo dadnimo muujiyaan maanta oo ay codkooda ku ciil baxaan, kuna doortaan hogaan cadliya oo cayntiya rajada caruurtooda iyo ta guud ahaan ee dalkoodaba. Qofna yaanu u codeyn nidaam iyo qof wax yeeleeyey yuhuuntii shacbi weynaha reer  somalilan iyo horumarkii ummadani naawileysey mudda dheer. Shacbigan waxa soo maray taariikh aan la hilmaami karin in ay cidi si yar oo fudud mar labaad ugu geftana ay xaraan tahay. Maanta umma baahnin dib u dhac iyo xumaan ka badan intii Kulmiye ummadan baday ee waxa loo baahan yahay wax lagaga soo kabto mushkiladahii uu ina baday way badanyiine qeybo ka mida. filimaayo in guul lagu gaadhayo nidaamkii ina ragaadiyey in aynu mar kale dib u doorano oo sii joogteyno xaaladaha maanta ummada haysta. Qaranimaduna waxay ku xidhantay foodka shacbiga, ka tali samaha iyo guusha caamka ah ee ay kuugu badinayso qof akhiro kuu raacimaayo ee camalkaaga san ayaa kuu raacaya.
Dareenka nool iyo dadnimadu ha ina farto in aynu mushtamaceena iyo jiritaankeena qaranimo badbaadino, tageeradeenana siino Xusbiga Waddani ee daruurta rajadu dul heehaabayso. Taladu guusha caamka ahi ku xidhantay shacbiyoow idinkay idiin taalaa.
Wabilaahi Towfiiq
Amiin Dahir Caynanshe
Columbus, Ohio USA.

Advertisement

Ku Xayeysiiso