Ciidanka Ilaalada Kacaanka Iran: Waxaanu ula macaamili doonaa milatariga Maraykanka sida aan ula macaamili Daacish..

Ciidamada Kacaanka Iran ayaa sheegay in wadankoodu ula macaamilayo millatariga Maraykanka ee adduunka, gaar ahaan kuwa Bariga Dhexe siday uu la macaamilaan Daacish haddii Washington ay ku darto Ciidamada Ilaalada Kacaanka liiska ururada argagixiso.

Taliyaha Guud ee Ciidanka Ilaalada Kacaanka Iran Major General Mohammad Ali Jafari ayaa ka sheegay shirkii Golaha Istaraatiijiga ee Guud ee Kacaanka, haddii Washington ay go’aansato in ay ku soo rogto qaanuun ciqaab ku ah Iiraan, waa in ay ciidankeeda dib u qaadaan in ka badan laba kun oo Kiiloomitir, taas oo ah inta uu gaadhayo Gantaalada ay Haysato Iran.

Taliyaha Guutada Kacaanka ayaa sheegay in howlgalka lagu soo oogay xeerka ciqaabta ee Mareykanku ay ka dhigan tahay in Maraykanku uu ka baxayo heshiiska nukliyeerka, isaga oo sheegay in waddanku uu isticmaali doono fursadda Trump ee nacaybka ay ku leedahay dhaqdhaqaaqa nukliyarka si loo xoojiyo barnaamijyada Gantaalada gobolka iyo difaaca.

Warqabadka ToggaHerer

Advertisement

Ku Xayeysiiso