Wardegdeg ah:  Safaaradii Somaliland ee Adiss oo caawa la gubay iyo ilaa hadda oo hal nin loo hayo

Wararka hadeer na soo gaadhaya ayaa sheegaya in safaarada Somaliland ku leedahay Adiss abab ee dalka Ethiopia la weeraray lana gubay.


Ilaa hadda la nooma sheegin wax khasaare nafeed ah.

Waxaa guud ahaa safaaradii iyo aagii oo dhan la wareegay ciidama policeka federal sidoo kale waxaa warku nagu soo gaadhayaa in hal ruux loo qabtay falkan.

Isla Mar kii aanu la xidhiidhnay safaarada ayaan noo suurta galin in aan khadka telefoneka ku helo masuuliyiintii safaarada se waxaa noo suurta gashay in aanu helno xubin ka ag dhaw masuuliyiinta xubintaas ayaana noo xaqiijisay falkan lagula kacay safaarada.

 

Sidoo kale qabashada halkaa qof ka sakaw ayaan ilaa hadda cadayn cidda ka dambaysay arintan. Waxaa sidoo kale arintan ka hadlay masuuliyiin ka mid ah ah kuwa oromada kuwaas oo barta facebook ga ku sheegay in ay tahay fal la iskaga hor keenaayo dadka walaalaha ah arintanna ku sheegay in aanay iyagu ku lug lahay.

Waxaa in dhawaalahan xaalad cakirani ka jirtaa deeganada oromada maadaama oo in dhawaalahan khilaaf ka dhex aloosmay ismaamulka Dowlad deegaanka Somalida Erhiopia iyo ismaamulka Oromada

 

Warqabadka Toggaherer

Adiss Ababa

Advertisement

Ku Xayeysiiso