Gudaha Ka Eeg :Wefti ay Hoggaaminayso Marwada Madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland oo si wayn loogu Soo Dhaweeyey Deegaamo ka Tirsan Gobollada Awdal iyo Salal

Wefti ballaadhan oo ay hoggaaminayso Marwada Madaxweyne-ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Marwo Raxma Xaaji Muxumed Suldaan oo socdaal ku maraya Gobollada Awdal iyo Salal, ayaa si wayn loogu soo dhaweeyey deegaanno kala duwan oo ka tirsan deegaamadaasi.
Weftiga Marwo Raxma Xaaji Muxumed Suldaan, ayaa si wayn loogu soo dhaweeyey degmada Baki ee Gobolka Awdal maanta, waxaanna halkaasi ku qaabilay dadweyne badan oo taageerayaasha xisbiga KULMIYE ka mid ah shacabka ku dhaqan Gobolka Awdal.
Weftiga Marwada Madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland Marwo Raxma oo ay ku wehelinayaan wasiirro ka tirsan xukuumadda talada haysa, saraakiil iyo siyaasiyiin ka kala tirsan xisbiga KULMIYE iyo xukuumaddiisa, ayaa sidoo kale soo dhawaymo waawayn kala kulmay
Deegaannada kale oo ay ka mid yihiin Boon, Qolujeed, Jirjir, Ceel-baxay, degmada Xariirad iyo deegaamo kale oo hoosyimaad Awdal iyo Salal, kuwaas oo ay socdaal ku mareen maalmihii u dambeeyey.
Weftiga Marwada waxa ujeeddada socdaalkiisu la xidhiidho xogogaal u noqoshada xaaladaha bulshada ku dhaqan deegaannadaasi iyo sidii ay bulshada ugu dhiirrigelin lahaayeen u diyaargarwoga doorashada Madaxtooyada ee u qorshaysan in la qabto 13 bisha November ee soo socota sidii ay mar labaad talada waddanka ugu dooran lahaayeen xisbul-xaakimka KULMIYE ee muddadii hore ee uu xilka hayey fuliyey waxqabadka baaxadda leh ee shacabku ka markhaati-kacayo.

 

Advertisement

Ku Xayeysiiso