jinsiga soomalinimaddu maaha wax aynu waligeen lahayn.

kunsano ka hor aduunka aad baa loo joogay, jinsiyado kala duwan oo tan soomalida oo kale ahna waa jireen, kuwaas oo waagaas ahaa kuwii asliga ahaa,inkastooy adduunkan jinsiyaduhu markasta ay is bad bedeleyeen, lkn jinsiyadda soomalidu ma jirin wakhtigaas,
waaxaa aad u badnaa guur guuritaanka, waxaa aad u badnaa oo kale in dhul cusub marba la soo helo oo aduunka sida hadda meel walba loo degan yahay looma deganeyn, waxaa lagu tilmaamaa qarniyadii isdhexgalkuu ugu badnaa aduunka ee soomara, isdhexgalkaasu wuxuu keenay inay dhashaan qowmiyado farabadan, qowmiyadda soomsalidu ama isirka somaaliga ah waxay kamid ahaayeen qowmiyadihii barigaas dhashay.
meelaha ugu baddan oo qowmiyaduhu ay ka dhasheen ama ka abuurmeen waxaa ka mida bariga iyo galbeedka afrika sidda ku cad buuga la dhaho (how societies are born) ee uu qoray qoraaga reer biljam ee jan vansim.
haddaba waxaan murran ku jirrin in isirka soomaaligu uu abuurmay wakhtii aan aad u fogayn, lkn waxaa murran ku jiraa siduu u abuurmay, waana wax caadiya in taariikhdu muran keedu badan yahay.
qaar kamid ah waxaa loo hayaa xoogaa tixraac ah oo aan laysku raacsannayn oo halkii ay ka yimaadeen, qaar kamida waxbo loo mahayo, waxaa lkn hubaal in barigaa afrika ee ay soomalidu degto laysugu wada yimi, oo ay halkaas ka abuurantay jinsiyyad soomaali la dhaho, sidoo kale waxaa hubaal ah in qowmiyad kasta oo soomaali ah ka hor abuuritaanka soomaalinimadu inay lahayd isir kale oo sax ah isirkaasna ay macquul tahay inuu jiray mid kale oo iga sii horeeyey kaas.
tan iyo abuuritaankii aduunkan isirku waa is badeleyey, haba kala badnaayeen wakhtigaa iyo waaqiciga oo isu badeleyey eh, lkn inagga soomali ahaan keenu wax dood laag keeni karo maaha waayo aad bu udhowyahay wakhtigii uu is badeley.
waxaa jiri jirray dhaqan xagga afka ah oo laysku garan jiray luuqaduhu waxay ka imaan jireen dhaqaankas oo waara, luuqadu dhaqankaas afeed haba ka timaade misna waxaa waxaa u badnayd hadba qoladii xooga yarra ilbaxa aheed oo iyagu afkooda markaas ay lasoo haajireen ay ku badnayd arayada macnaha sameenaya, sidaas oo ay tahay bulsho kasta waxay taqaano dhaqan tilmaameed ahaan ayey tan kale u bari jirtay,
halkan aan idiinku soo gudbiyo qayb kamid ah afka soomaaliga iyo afkii hore ee faraacintii masar.
1)aar oo ah soomaaliga libaaxa lab waxay afkii faraacinta ku ahaa libaax.
2)usha labada luuqadoodba waa usha.
3)hees oo aynu unaqaano hees iyana waa afkii faraacinta.
4) awoow labada luuqadoodba waa awoow.
5)ayeeyo labada luuqadoodba waa ayeeyo.
6)sidoo kale kalmadda (hun) waxay u yaqaaneen faraacintii masar qofka yar wiil iyo gabadh kuu doono ha noqdee, taasina waa halka aynu huunno ka yidhaahdan qayb kamida somalida.
7)sare iyo hore faraacintiina sare iyo hore un bay uhayd oo ah saynu unaqaano.
8)sidoo kale waxay isku tilmaami jireen ragii hore reer masar kalmadda (raggeedii) oo loola jeedo ninkii cajiibka ama saxda ahaa, ilaa hadaa qaar kamida soomaalida ba isticmaasha.
halkan kuma soo koobi karno xidhiidhka uu afsoomaaligu la leeyahay qowmiyaddo hore, qayb kamida soomaalidii oo asal ahaan halkaa faraacinta katimi ayaa latimi kalmadahan markii soomaaliga uu abuurmayey, waxaynu kor ku xusnay in af soomaaligu uu ka kooban yahay isfahan tilmaameed oo isku jirra, mar mar waxaa jirayey inaynin qolo kasta ay ku dhaganaayeen afkii ay layimaadeen markii abuurka soomaaligu samaysmayey, taasinu waa sababta ay lahjaduhu u jiraan, qolona ma jecleen in markaa waxa ay wax utaqaan ay qoloda kale ka qaadato iyagoo wax isugu gudbinana dhaqan tilmaameedka ay luuqaduhu ka abuurmaan.
waxaa iyaan kujira af soomaaliga oo aan tiro lahayn af carabigii saxa ahaa oo aad uga buuxa, halkaa waxa layska waydiin karaa maxaa kala duway afkii reer masar iyo carabiga? faraacintii masar waxay ku hadli jireen luuqad u gooni ah oo an ahyan tii carabiga, halka yemen oo ah meelaha carabta asalka ah ay ka imaan jireen looga hadli jiray carabi sax ah.
sidoo kale af soomaligu wuxuu ka koobanyahay qayb kale oo aan la aqoon meel laga keenay lkn ay keeneen bulshoyowgii markaa isirka soomaaligu uu ka asaasmayey kuwaas oo aan daraasado baddan laga samayn meel ay ka yimaadeen, lkn lahubo inay isir kale lahaayeen.
maadaama uu isrkaagii laga yaabo inuu tobbadan jeer wax kabadan is badelay hadaanu kasii badnayn wax diidayaa ma jiraan inaa ka digo rogan kartid jinsiyaddan soomaaliga inkasta oo ay hadda adagtahay in isir cusub samayso aduunkii iyo dadkii uu buuxdhaafay awgiis suurta gal ahayn.
lkn waxaa kuu furan sida awoowgaagii sodonaad uu u badalay jinsiyadiisii markaa uu ahaa ugana mid noqday abuurkii jinsiyad cusub oo soomaali ladhaho, adna inaa kuwa kaa danbeeya aad u go,aan sankartid inaad cidii aad rabtid dhashaada mustaqbalka aad ku beertid.
sidoo kale waxaa ku furran inaa kasii mid ahaatid isirkan soomaaliga ee la abuuray wakhti aan fogayn hadaad ku qanacsantahay inay tarankaaga danbe soomaali wax lasii wadagaan.
waxba yaanan qofna lagu xuuxin isir soomaalinmo oo dad aad iyo aad u kala fogaa unkumeen, isir tan ilaa iyo xaawo la dhihi jiray soomaali majiro, qof soomaali la odhan jirayna ma jiro, sababaha ay soomaalidi isu fahmi waysanan waxaa ay unoqonaysaa dadkii wada samaysatay oo aad u kala dhaqan faham iyo xadaarad fogaa.
Abdirahman bigays

 

Advertisement

Ku Xayeysiiso