Gudaha Ka Eeg : Hawl gal gaar ah oo ay Fuliyeen Ciidamada Turkiga oo lagu Xidhxidhay 45 Saraakiil Sirdoon oo hore

Ciidamada amniga ee Turkiga ayaa sameyey howlgal gaar ah oo lagu xidhay 63 qof  oo ay ku jiraan 45 shaqaalihii hore ee sirdoonka dalka Turkiga, iyadoo lagu tuhunsan yahay xidhiidh ay la leeyihiim  Fathallah Gulen.

Wakaaladda wararka ee Anadolu ayaa ka soo xigatay illo amaan  sida ay sheegtay Maanta oo Salaasa in hawlgalku uu ka dhacay 21 Gobol oo Turkiga ah.

Tuhmanayaasha ayaa hore looga eryay  sir-doonka Turkiga iyada oo qayb ka ah hannaanka nadiifinta hay’adaha dawladda ka dib markii la isku dayey afduubka.

16kii July 2016-kii ee la isku dayay Afgambiga militari ee Turkiga iyo Iskudhacyadii ugu weynaa ee ka dhacay Ankara iyo Istanbul halkaas oo ay ku dhinteen 240 Turki kuna dhaawacmeen  in ka badan 2,000  intii aanu fashilmin afgambigu .

Sidoo kale Dhacdadaa ayaa Turkiga loogu xidhay  in ka badan 50,000 oo qof  waxaana in ka badan 140,000 shaqaale dawladeed ah laga  eryay shaqadii.

Mas’uuliyiinta Turkiga ayaa ku eedeeyay ururka Fatahullah Gulen masuuliyad Afgambiga laakiin Gulen oo hadda ku nool Maraykanka ayaa cambaareeyay dhacdooyinkaas iskana diiday dhammaan eedeeymaha.

Waqabadka ToggaHerer

Advertisement

Ku Xayeysiiso