Gudoomiyaha Ku-Meel-gaadhka Ah Ee Xisbiga Waddani Oo Ka Hadlay Sababta Uu U Hakiyey Sagaal Guddi Hawleed Oo Uu Soo Saaray Xisbigu

Gudoomiyaha Ku-Meel-gaadhka Ah Ee Xisbiga Waddani Oo Ka Hadlay Sababta Uu U Hakiyey Sagaal Guddi Hawleed Oo Uu Soo Saaray Xisbigu

“Axmed-Yaasiin Sh. Cali Ayaanle Waxaanu Kula Talinaynaa Inkastoo Hadalo Laga Sheeg-sheegayey In Aanu Ku Milmin Xisbiga, Haduu Xisbiga U Shaqayn Jiray Imika Xildhibaanada Ayuu Hoggaamiye U Yahay” Xildhibaan Cabdiqaadir Jirde

Hargeysa, (ToggaHerer) – Gudoomiyaha Ku-Meelgaadhka ah ee xisbiga Waddani, Cabdiqaadir Xaaji Ismaaciil Jirde ayaa sheegay in sababtii loo joojiyey Guddi Hawleedyadii xisbiga Waddani uu soo saaray dhawaan ay ahayd in guddiyadu aanay dhamaystirnayn, isla markaana iyagoo qabyo badani ku jiro la soo saaray.

Xildhibaan Cabdiqaadir Jirde, waxa uu intaa ku daray in markii ay wadatashadeen Gudoomiyaha, Xoghayaha iyo Hoggaanka xisbiga Waddani ay isla garteen ilaa inta la dhamaystirayo inaan la hawlgalin guddiyadaasi.

Gudoomiyaha Ku-meel-gaadhka ah ee xisbiga Waddani, Xildhibaan Cabdiqaadir Jirde ayaa sidaasi ku sheegay Waraysi uu Siiyey Telefishanka Somali Star Tv, waxa kale oo uu ka hadlay sida uu u arko xisbi ahaan in shirgudoonka Golaha Wakiiladu uu noqdo Muxaafid ka tirsan xisbiga Kulmiye.

Ugu Horayna Gudoomiye Cabdiqaadir Jirde oo ka hadlaya guddiyada xisbigoodu hakiyey ayaa waxa uu yidhi “Guddidu ma dhamaystirna iyadoo qabyo ah oo qabyo badani ku jirto ayaa la soo saaray, markaa markaanu wada-tashanay Gudoomiyaha, Xoghayaha iyo Hoggaankaba, waxa la isla gartay ilaa inta la dhamaystirayo inaan la hawlgalin uun, hawlgalinta uunbaa la joojiyey.

Waxay ahayd in guddida la isugu yeedho oo la yidhaa hawlgala, markaa waxa la isla qaatay in aanay dhamaystirnayn oo qabyo badan ay ku jirto ilaa qabyada laga saaro inaan la hawlgalin oo gudidii lamana joojin, lamana kala dirin ee waa hakin uun.

Marka la dhamaystiro ee qabyada kala duwan ee ku jirta oo haday tahay hawsha sida loo qaybin lahaa, haday tahay qaybo ka maqan markaas uunbaa la hawlgalinayaa ee maaha wax la isku qabsaday oo lagu murmay.

Walaahi fikrado badan ayaa jira, oo guddidan hindisaheedu waxa uu bilaabmay afar ilaa shan bilood ka hor, markaa fikrado ayaa jira markaa la leeyahay mar hadii xisbigii barnaamij dhigtay hawlahan lagu magacaabay waa hawlaha barnaamijka ku yaala, markaa in la hawlgaliyo hawlihii xisbiga ee maaha in hogaanka oo kaliya in xisbigii la daadajiyo oo hoos loo daadadiyo oo la hawlgaliyo way qurux badan tahay, marxaladana waa la eegi doonaa.

Imika waxa inagu soo socda oo hawsha ugu weyn ee inagu soo socdaa waa Ololaha oo guddiyadii oo gobolaysan oo nidaamaysana la sameeyo, markaa waa la isla eegi doonaa inay munaasib tahay iyo in aanay munaasib ahayn.” Ayuu yidhi Xildhibaan Cabdiqaadir Jirde.

Gudoomiyaha Ku Meelgaadhka ah ee xisbiga Waddani mar la waydiiyey saamaynta ay xisbigooda ku yeelan karto in gudoomiyaha iyo ku xigeenka Golaha Wakiiladu ay ka soo jeedaan xisbiga muxaafidka ah ee Kulmiye ayaa waxa uu ku jawaabay “Walaahi horta waxa weeyi, waxaan filayaa Goluhu mudo badan ayuu joogayoo waa la soo waayo arkay, hoggaan talo xisbi soo qaata ma shaqaynayo, hogaan inuu talo xisbi soo qaato maaha, anigu hogaanka waan ka mid ahaa, marba hadaad hogaanka noqoto xildhibaanada iyo Asxaabtaba dhex ayaad u tahay, ma hogaamin kartid adiga oo xisbigaagii hogaaminaya, oo xisbigaagii habeenkii la soo tashanaya, oo cid gaar ah habeenkii talada ka soo qaadanaya, talo meel kale lagaaga soo dhiibay golaha kuma hogaamin kartid, waanan ka balanay, Baashena imika 12 sanadood ayuu xilka soo hayey, waana nin garanaya, waanu fahamsan yahay inuu noqdo gudoomiye golaha oo dhan ah, markaa Axmed-Yaasiin Sheekh Cali Ayaanlena waxaanu kula talinaynaa inkastoo hadalo laga sheegsheegayey in aanu ku milmin xisbiga imika, haduu xisbiga u shaqayn jiray imika xildhibaanada ayuu hoggaamiye u yahay, waa inuu hogaamintii xildhibaanada uu ku soo noqdaa imika.

Calina waaba nin waayo arag ah oo 12-kaa sanadood ayuu joogay oo golahana dhex u ahaa, Baashana waanu ka filaynaa inuu golaha dhex u noqdo.” Ayuu yidhi Xildhibaan Cabdiqaadir Jirde, waxaanu gabogabadii uu baaq nabadeed uu u diray dadka walaalaha ah ee ku dagaalamay deegaamada Buhoodle iyo Ceel-Afweyn, isagoo arintaasi ka hadlayana waxa uu yidhi “Waa ayaandaro iyo wax aad iyo aad looga murugoodo in dadkii abaarta ka soo doogay ee wali diiftii iyo hayso oo maantuun illaahay inay salka dhigaan u dhaw in hadana ay dib isu barakiciyaan oo ay isku laayaan oo ay aano isku dilaan waa wax laga xumaado.

Illaahay waxaanu uga baryeynaa fadligaa Ciida Odxiya in Illaahay qalbigooda isu soo dhaweeyo waa dad aan kala tagayn waa dad is-dhalay, waa dad illaahay meel ku wada abuuray, markaa inay is laab-xaadhaan, illaahayna waxaanu uga baryeynaa inuu waafajiyo.” Ayuu yidhi Xildhibaan Cabdiqaadir Jirde.

Advertisement

Ku Xayeysiiso