Warmurtiyeed ka soo baxay odayaasha guurtida jaalliyadaha reer Somaliland Ingiriiska kuna wahan beelaha waalaha ah ee ku dagaallamaya deegaanka Dararwayne ee degmada Ceel Afwayn.

Bismillaahi Arramanirraxeem.Dhammaan ummadda reer Somaliland iyo warbaahintooda waxaanu idin leenahay Asalaamu calaykum wa raxma tullaah wa barakaatuh.Allah ayaa mahad mudan,rasuulkiisa Muxamed naxariis iyo nabadgelyo korkiisa ha ahaato.

Warmurtiyeed ka soo baxay odayaasha guurtida jaalliyadaha reer Somaliland Ingiriiska kuna wahan beelaha waalaha ah ee ku dagaallamaya deegaanka Dararwayne ee degmada Ceel Afwayn.

Annaga oo ku hadlayna magaca jaalliyadaha reer Somaliland.

Waxaanu ka tiiraanyasannay dagaalka labada beelood ee walaalaha ah.

Lama joogo xilligii ay xabbadda iyo xooggu talin lahaayeen ,waxaa la jooga xilligii caqliga wanaagsani talin lahaa .

Bulshada jamhuuriyadda Somaliland waxaay ku caana maashay nabad iyo wada tashi khilaaf kasta oo ka dhexeeya ku xalliso, waxay leeday madaxdhaqameed caqli badan oo dadyawga kale majiirtaan sharaf iyo maammuusna huwan.

Waxaa lagama maarmaan ah in aan lagu degdegin dagaal la wada garan karo cawaaqib xumadiisa, daris lama illaawaan ah waxa ugu filan shacabka reer Somaliland kii kelidii taliska ahaa ee Siyaad Barre ku gumaaday.

Waxaana wanaagsan in wax lagau qaato, aan si hawl yar loo ilaawin.

Waxaanu ku talinayna in ay madax dhaqmeedka labada beelood iyo guudahaan reer Somaliland laga wada hawl galo sidii loo damin laha dhibtaas aanau dalku u baahanayn, gaarahaan in ay dawladdu xilkeeda ka gudato.

Waxaanu tacsi u dirayna qoysaskii ay ka baxeen dadkii ku dhintay mashaqadaas oo aanu leenahay innaalliaah wa innaailayhi raajicuun ilaahay waxaanu ka baryeyna in uu jannada fardawsa ka waraabiyo Samir iyo immana ka sii qoysaska iyo bulshada reer Somaliland dhammaan

Waxaa kale oo aanu ilaahay uga baryeyna dadkii ku dhaawacmay in uu caafiyo.

Oday Deeq Cabdi Digale

Advertisement

Ku Xayeysiiso