XORIYO NIN GAYAA HA GUURSADDO!!!!! Q/2 aad Qalinkii Mahad Cali-Salaan

 

BURCO WAA HOOYADDA HALGAMAYAASHA WAY OGTAHAY MUJAAHID MUSE BIIXI, SIDAASAY CIIDII BURCO LA DHAQAAQDEY.

Guutooyinkii ciidankiyo, geeshashkii samatar

Faqashtii waxay geysatiy,gabiyow kooxdiisi

Gumaadk iyo xasuuqay faleen,Gaani iyo Moorgan

Gasiiriyo barbaartii la dhigay,xalane geestiisa

Guurtidii Burcee lagu dhugtamey,gobabka baashooda

Gardarrada dalluuntiyo raggii,loogu guray ceelka

Eaa Gebiley lagu xaaqay may,galabsan eedaase

Garoonkiyo madaarkii Berbera,gooddiyada xeebta

Gowraca intii lagu marshaan,laga gedoonayne.

Beeneey waa run maanta waad aragta sida daadka iyo buuraha aad moodo ee Musharax Muse Biixi Cabdi  loogu soo baxay deegaanda dhamaan Togdheer ee Burco hoos yimaadda waa Oodweyne,Sibidhley,Dhagax Dheer,Candhadhexe,Dharlyaaley,Dhoqoshey,Qorulugud iyo Coodanle.

Waad aragta sida xad dhaafka ee loogu soo dhaweeyey dadka soo baxay waxaad mooda daad.

Halganka tariikhda Burco waa mid aan xalkan lagu soo koobi karin Gumaysigii ingiriiska ee ina qabsadey 1884,Burco waxay ahayd horyaalkii ka dhiidhiyey waa Skeekh Bashiir ,Farax Omar iyo rag badan,Neero ilahay how naxariistii waa ragii loogu hor toogtey.

Halgankii dib iska xoreynta FAQASHTA waxay Burco ka ahayd hooyadda caruurteedii halganka u dirtey waad la socota in burco degaalkii ugu horeeyey ee gudaha lagu soo galo iyadu kow ka ahayd 27 may 1988`.

Xaqiiqda iyo tariikhda ayey reer burco ogyihiin in Musharax Muuse Biixi Cabdi uu yahay ragii maalintii ay u xumeyd ee 1981 ilaa 1991 Somaliland ragii naftooda u hurey halgankii qadhaadha ee Siyaad Bare iyo qoleysatadii xamar.

Burco waxay ogyahay inuu Mujaahid Muse Biixi uu yahay GEESI U SOO GEED FADHIISTEY INUU GOBANIMO GUURSADDO 13 Novanber 2017iney siyaana way ka go’an tahay.

Burco waa ogtahay inuu Muse Biixi yahay naftii hure dadkiisa iyo dalkiisa u soo halgamey ilaahayna anu tiisa ka dhigin sidii mujaahidiintii shahiidey,ee uu yahay far ku tiriska nool maanta,kolka haduu ilaahay siiyey inuu isa soo sharaxo madax weyne, Burco waa og tahay cid kaga habooni inaaney jirin.

Mujaahid Muse Biixi waa ragii baabiyey cidinkii ugu xooga weyna Africadda wadow,qori AK ah ayuu ka hortey ciidankii 26 ee quwadda weyna.

Mar haddaan hengelo dhigay-Dhimashana ka wada simay

Dhabar iyo ragna is baray-Allaylehe kar baa dhacay’

Allaylehe dheg-xumadii-Dugatana ba daacdee

Bogaa rag uga dhiidhiyey-Bagaa la isu jilib dgigay

Wixii la is-dhacsiiyiyo-Bagay dhicisay beentii.

Hubka dhuunta ka onkoda – Iyo dhagarta miinada

Bogaa dhabar-adayga- Sabraay jiibka laba-dhaca

Dhenged iyo amley iyo – Dhagax loogu babac dhigay!

Baga baga Jikraba dhacay – Baga baga dhoomahaan ridey.

Baga baga dhuunta la is mudey – Bagaa nabadda dhaawacan

Cirka loogu xero dhigay – Ninkii dhaartay ee yidhi;

Haddan dhigo xilkaan sido – Yaa u dhiibanaysaan

Ninkii dhaarta mari jirey – Ma ka dhabaqday xaajadu?

Sabraay jiibka laba-dhaca

 

Umaadda waa ogtahay qof walba wuxuu galo,kolka muse maanta isaga ugu mudan in la doorto waayo labada kale ee la tartamaya naftooda u mey hurin se muse biixi naftiisa ayuu u hurey Somaliland,Waana Musharaxa dariiq inaga marin kara FARMAAJO inanka yer ee maalin walba inoo hanjabaya,tan kale Muse Biixi ku dhac ayuu leeyahay oo aqoonsiga xoog iyo cudud ayuu ku keeni kol hadaan baryo ku weyney.

Qofkii rag iyo dumarba jeceloow Jiritaanka iyo Aqoonsiga Somaliland waa inaad siisa codkaga Mujaahid Muse Biixi.

Waxan ku soo gaba gabeynaya REER BURCO WAXAY YIDHAHDEEN XORIYO NIN GAYA HA GUURSADDO!!!!

KAASINA WAA MIJAAHID MUSE BIIXI CABDI.

Somaliland ha noolaato………Horena how socoto…..Amiin….Amiin.

Mahadsanid.

Mahad Ali-Salaan

mahadpobox@gmail.com

 

Advertisement

Ku Xayeysiiso