Gudaha Ka Eeg :Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI Oo Xilal Kala Duwan Magacaabay .

Gudoomiyaha Xisbiga Waddani Mudane Dr Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Ciro) ayaa xilal Kala duwan magacaabay, waxaanu Cabdirisaaq Daahir Jaamac, u magacaabay inuu noqdo Afhayeenka Garabka Dhalinyarada Heer-qaran ee xisbiga WADANI, halka  Md. Idiris Cabdi Maxamed, uu u magacaabay Hoggaanka Abaabulka iyo Wacyigelinta Garabka Dhalinyarada Heer-qaran ee xisiga WADDANI.

Sida lagu sheegay War-saxaafadeedka uu ku saxeexan yahay Gudoomiye Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Ciro) oo lagu sheegay in magacaabista masuuliyiintan uu u tixraacay qodobada 30aad farqadiisa 6aad iyo qodobka 19aad farqadiisa 6aad ee Xeerka hoosaadka xisbiga, waxaanu ilaahay uga baryey inuu masuuliyiintan xilalka u fududeeyo

Waxaanay u dhignaayeen xilalka uu Magacaabay Gudoomiye Cabdiraxmaan Ciro sidan:-

REF/XIS/WAD/XDH/2459/2017                                                                                      3th July, 2017

KU: Cabdirisaaq Daahir Jaamac                                                                                  Hargeysa

KU: Idiris Cabdi Maxamed                                                                                           Hargeysa

OG: Garabka Dhalinyarada Heer-qaran Xisbiga WADDANI                                   Rugtooda

OG: Gudoomiyeyaasha Gobolada Xisbiga WADDANI                                             Rugtooda

OG: Hoggaanka Xisbiga WADDANI                                                                            Hargeysa

OG: Guddida Fulinta Ee Xisbiga WADDANI                                                              Hargeysa

OG: Xoghayaha Guud Ee Xisbiga WADDANI                                                            Hargeysa

OG: Hoggaamiyaha Xisbiga WADDANI                                                                     Hargeysa

OG: Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI ee KMG                                                    Hargeysa

Ujeedo: Magacaabis Xil

Markaan Darsay:                 Qodobka 30aad farqaddiisa 6aad ee Xeerka Xisbiga WADDANI iyo qodobka          19aad ee farqadiisa 2aad ee xeer hoosaadka Garabka Dhalinyarada Heerqaran ee xisbiga WADDANI

Markaan arkay:                   Baahida loo qabo in la buuxiyo xilalkan.

Markaan la tashaday:        Xubnaha Hoggaanka Xisbiga WADDANI

Markaan ku qancay:          kartida iyo aqoonta ay leeyihiin

Maanta oo ay taariikhdu tahay 3-da July, 2017 waxaan magacaabay xilalkan hoos ku xusan.

  1. Md. Cabdirisaaq Daahir Jaamac, Afhayeenka Garabka Dhalinyarada Heer-qaran ee xisbiga WADANI.
  2. Md. Idiris Cabdi Maxamed, Hoggaanka Abaabulka iyo Wacyigelinta Garabka Dhalinyarada Heer-qaran ee xisbiga WADDANI.

Waxaannu Illaahay uga baryeynaa inay tusaale u noqdaan dhalinyarada Somaliland iyo kuwa xisbiga WADDANI ba, hormoodna ka noqdaan siyaasada xisbiga WADDANI doonayo inuu ku horumariyo mustaqbalka dhalinyarada Somaliland.

ALLAA MAHAD LEH

Dr. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Crro), Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI

 

Advertisement

Ku Xayeysiiso