Xoghayihii Dawlada Hoose Ma Waxa Lagu Aaminay Ninkii Maqasha Dayacay W/Q : Maxamed Axmed Galbeedi

Sida aynu la wada socono waxaa dhawaan la magacaabay xoghaye cusub cali Xasan Cawaale  kaasoo wasaaradda arimaha guduhu soo magacowday ,  kana mid ahaa Saraakiisha wasaaradda arimaha gudaha ,khasatan waaxda lacag bixinta cuqaasha Gobolka maroodi jeex. (gunadda cuqaasha ) inkastoo uu wasaaradda lafteeda ka  sameeyey wax is daba marin iyo musuq xad dhaafa oo uu cuqaasha lacagtoodii gabi ahaanba uu ka  musuqmaasuqay kana  lunsaday gunooyinkoodi Ay xaqa u lahayeen  waqtiyo hore . oo anay Masuuliyiinta sare ee wasaradu joogin waqtigii  ,Arintaa aan wax daba gala lagu samayn.

Hadana waxa uu maanta la yimi arin ku ugub ah dalka iyo Caasimadda ba Taaso uu u dhaqmaayo xoghayaha cusubi si qayarl masuulnimo ah kana baxsan anshaxa shaqada iyo mida masuuliyada xilka  uu jujuubka iyo reer nimada Ku yimi .

waxaa kale oo uu khilaaf dhex maray Agaasimaha maamulka iyo maaliyadda maxamed xusen(maxamed roodhi) taasoo uu ku salaysnaa Boob cad oo uu agaasimuhu ka hor istaagay xoghayaha cusub Cali Xasan Cawaale .

oo xoghayuhu doonayey in uu la baxo lacago qayrul sharci ah ,taasoo horey uu u qaatay lacag loogu yeedho dajinta xoghayaha cusub iyo in guriga loogu goglay lacag dhan $20,000  sacada diin super  market ,hadana uu  doonayo $30,000 (Soddon kon oo dolar oo lacagta qalaad ba) in uu la baxo  , hadaba marka uu agaasimuhu ka joojiyey in xoghayuhu qaato lacagtaa ayuu doonayaa in uu dambi aanu lahayn agaasimaha ku saaro ,taasi waa mid aan dhacayn shacabka iyo dadwaynaha caasimada Ku noolina Ay aad u hadal hayaan dhacdadan ugubka ah ee aan lagu arag xoghayayaashii ka horeeyay xoghayahan xilka Ku cusub iyo beenta iyo dhaleecaynta xadka baxa ah ee uu Ku bilaabay shaqadii iyo masuuliyadii qaranku u igmaday .

hadaba waxaan ka codsanaynaa wasaradda arimaha gudaha in xoghayaha kala noqoto kalsoonida ,soona magacowdo shaqsi u damqanaya qaranka iyo umaddaba ,lana shaqeeya maayerka caasimadda oo ah shaqsi daacadda oo u damqanaya qaranka iyo caasimadda.
Boobkan cadaanka ah ee uu xoghayaha cusubi Ku bilaabay shaqadiisa  ayaan ahayn wax laga  aqbalayo hantida umada inuu dano gaara u isticmaalo . xoghayaa cusub ayaa sida ka muuqta shaqo bilawgisa waxaa Ku qufulan hantida qaranka inuu guryo ka dhisto kuna taggri falo  cashuurta danyarta laga ururiyyay iyadoo marag ma doon u tahay durtaba lacagta uu dalbaday inuu dejin Ku isticmaalo . guntii iyo gunanadkii qoraalka waxan kuso af meeri lahaa (ninkii maqasha dayacay miyaa geelii lagu aaminay)

 

By : Maxamed Axmed Galbeedi

 

Advertisement

Ku Xayeysiiso