Madaxweyne Boolisku isbedel Buu u Baahan Yahay


 Madaxwayne booliisku is bedel buu u baahan yahay

 

Waxa la sii daayay nin macallin ah oo booliisku u xidheen inuu la magac yahay madaxwaynaha Jamhuuriyadda Somaliland mudane Axmed Maxamed Maxamuud. Dharaaro ayuu intaas u xidhnaa. Dadka reer Somaliland aad bay uga yaabeen ugana cadhoodeen sida ka muuqatay dareenka ay ku cabireen baraha bulshada.

Markii la sii daayay kadib waxa macallinkii la kulmay madaxwaynaha. Waa arin fiican oo muujinaysa inaan madaxwaynuhu ka raali ahayn falkaas.

Haseyeeshee talaabadani waxaay marag cad u tahay in booliisku iska xidhi karo ciduu doono oo aanu u baahnayn in loo maro sharci iyo inay jirto fal dembiyeed uu qofku galay toona. Waxa dadka ka sii yaabiyay markii uu warbaahinta ka difaacay xadhiga macallinka taliyaha guud ee booliiska.

Booliisku waa quwad aan cid dadka ka celisaa jirin waayo ma dhegaystaan maxkamadaha.

Hadii macallin Siilaanyo uu helay hiil, waxaad ogataa dad la mid ah baa jira oo u baahan hiil. Madaxwayne booliisku is bedel buu u baahan yahay. Is bedelkana adiga ayaa qaybtiisa u badan samayn kara. Si aanay u sii socon sharaftaada iyo ta dalka inay ku ciyaraan, waxaan kaa codsanayaa inaad talaabo ka qaadid cidda u talisa booliiska oo hogaanka u ah. Waxa haboon inaad booliiska hogaan uga dhigtid cid sharciga iyo karaamada dadka ilaalisa.

Anigu taliye booliis ma rabo, danna kama lihi oo cid gaar ah uma ololeeynayo, balse waxaan u arkaa in dalku aad ugu baahan yahay.

Somaliland oo dhan way eegaysaa jawaabta aad ka bixisid Madaxwayne falka lagula kacay macallinka waayo falkaasi keligii maaha ee muwadiniin badan baa dulman oo adiga ku hoos joogta.

Guleid Ahmed Jama

Qareen xuququal insaanka u dooda

  

Advertisement

Ku Xayeysiiso