Midhaha iyo Khudradda Masar Dhoofiso oo Adduunka Laga Mabnuucay Sababo Caafimaad Awgeed.

Midhaha iyo Khudradda Masar Dhoofiso oo Adduunka Laga Mabnuucay Sababo Caafimaad Awgeed.
Wadanka Suudaan ayaa joojiyey dhammaanba midhihii, khudraddii iyo kalluunkii uga iman jirey wadanka ay jaarka yihiin ee Masar 20-kii bishii sagaalaad ee Siibtambar 2016 sababo badbaado caafimaad awgood. Joojinta Suudaan ayaa timid todobaad uun kaddib markii Ruushku ku dhawaaqay inuu joojin doono dhammaanba khudaarta iyo midhaha uga yimaada wadanka Masar in kasta oo uu jiray muran xagga qamadiga ah oo uu dhexeeyey Ruushka iyo Masar.
Waxay ahayd bishii sagaalaad ee sannadkii hore markii Ruushku ku dhawaaqay in uu wadankiisa ka joojin doono dhammaanba midhaha iyo khudaarta uga timaada wadanka wadanka Masar laga bilaabo 22-Sept-2016 walaac caafimaad oo soo wajahay aawadeed.
“joojinta midhaha iyo khudaarta ka yimaada wadanka Masar waa mid ku-meel-gaadha kaddib markii talaabadan oo kale ay qaadeen wadamo dhawri sababo la xidhiidha badbaado caafimaad aawadeed”, sidaa waxaa yidhi wasiirka ganacsiga ee wadanka Suudaan, isaga oo sheegay in xanibaad ka qaadiduna ku xidhan tahay natiijada ka soo baxda tijaada shaybaadhka ee ay sameeyaan.
Go’aanka ayaa wuxuu ka xanaajiyey ganacsatadii reer Suudaan ee midhaha iyo khudradda ka keeni jirey Masar iyaga oo sheegay inuu waxyeelayn doono.
“Masar waa isha ugu weyn ee ay ka yimaadaan midhaha iyo khudradda Suudaan timaada, sannado fara-badan ayaan ka soo dhoofinayn halkaa, wax dhibaato ahina may jirin”, sidaa waxaa yidhi Axmed Abu Shayba oo ka mida midawga gudida khudradda soo dejisa ee wadanka Suudaan.
“suuqu wuxuu ku tiirsan yahay midhaha Masar dhulka oo dhow iyo rarka oo fudud aawadeed. Go’aanku wuxuu ku yimid si deg-dega, waxaanu dhaawac badan u geysan doonaa dadka wax soo dejiya, dawladda waxaanu ugu baaqaynaaa in ay xanibaaddan ka laabato”, Axmed Abu Shayba ayaa Reuters u sheegay.
Sidaa si la mida waxaa la sheegay in waaxda wadanka Sucuudiga u qaabilsan Cuntada iyo daroogooyinku joojisay qaar ka mida midhaha iyo Khudradda uga yimaada wadanka Masar kaddib markii tijaabooyin la sameeyey sannadkan horaantiisii cadeeyeen in aanay ahayn wax ku haboon isticmaalka bani-aadamka.
Waaxda Sucuudiga u qaabilsan cuntada iyo daroogooyinka ee magaceeda loo soo gaabiyo (SFDA) ayaa tijaabooyin ku waday dalag-beereedka uga yimaada wadamo ay Masar ka mid tahay kaddib markii Maraykanku sidan oo kale sameeyey.
Sida oo kale waaxda beeraha ee wadanka Maraykanka ayaa sheegtay in warbixinta shaybaadhku xaqiijisay in wax-soo-saarka beeraha qaarkood lagu waraabiyey biyo wasakhaysan sida si la mida waxay sheegtay in cuntada ay Masar dhoofiso lagu beero qashinka dadka iyo xayawaanka(saxarada). Warbixinta shaybaadhka Maraykanku soo saaray sidoo kale waxay sheegtay in daraasiin ka mida khudradda wadanka Masar dhoofiyo ay sababto cudurka Joonis-cadka (Hepatitis A).
Waxaa kale oo ay sheegtay warbixinta ay soo saartay waaxda beeraha ee wadanka Maraykanku in ay baadhitaanno adag ku wadaan midhaha Strawberry-ga ee ka yimaada wadanka Masar si ay uga hortagaan midhaha lagu waraabiyey biyaha wasakhaysan.
Xaalado cusub oo adag ayaa la dul-dhigay daraasiin ka mida khudradda ka timaada wadanka Masar ee soo gasha Maraykanka marka laga yimaado dhawaaqyada soo yeedhaya ee ah in la iskaga maydho biyo nadiifa oo la sifeeyey. Sida oo kale xogta shaybaadhku waxay daaha ka qaaday maangaha iyo midhaha loo yaqaano guava-ha lagu daro midabbo iyo dhadhanno calaamka laga joojiyey kuwaas oo sababa xano ay ka mid yihiin kallida oo istaagta, beer-xanuun iyo dhiikarka.
Xanibaadda Maraykanku kuma koobna oo kaliya midhaha iyo khudradda wadanka Masar, sida oo kale waxay xanibaad saareen subagga uga yimaada Masar kaas oo ay sheegeen in uu sababo xanuunno ay ka mid yihiin Kansarka.
Sida oo kale wadamo ay ka mid yihiin Kuwayt, Imaaraad-ka iyo Jabaan ayaa xanibaad dul-dhigay Wax-soo-saarka wadanka Masar, halka warbixinno kale ay sheegayaan in wadamo ay ka mid yihiin Iskaandaneefiyaanka iyo Qadar talabaadaa mid la mida qaadeen.
Hadaba midhaha iyo khudradda wadanka Masar ee calaamka laga joojiyey waxaa ugu horeeya liin-macaanta buux-dhaafisay suuqyada magaalooyinkeena ee ay soo waaridaan ganacsatadeeno iyaga oo aan ilaahayna ka baqayn, cidna u tudhayn laakiin shillin doona.
Qof kasta oo muslimma waxaa ku waajiba in uu ka dheeraado wax kasta oo umadda diinteeda, sharafteeda iyo caafimaadkeeda wax-yeelaynaya oo aanu ku digan.
Dhammaan dad-weynuhuna waa in ay ka digtoonaadaan liin-macaanta wadanka Masar laga soo waarido oo shaybaadhadii kale duwanaa ee calaamku ku sameeyey xaqiijiyeen in aanay ahayn wax bani-aadam cuni karo, sababtana cuduro badan oo kor ku xusan.
Qof kasta oo bani-aadam ahi oo caqli u saaxiib ahi wuu garan karayaa mushkiladda uu keeni karo wax-soo-saar lagu waraabiyey oo ku baxay biyaha wasakhaysan ee bulaacadaha, laguna nafaqeeyey saxarada dadka iyo xayawaanka.
Dhammaan cid kasta oo umadda masuuliyad u haysaana waa in ay ka digtoonaataa oo si bilaa shuruud ah umadda uga joojisaa wixii diintooda iyo caafimaadkoodaba wax-yeelaynaya, cidda soo waaridaysana qasab lagaga dhigaa in ay joojiyaan.

~ TIXRAAC:
http://www.reuters.com/article/us-sudan-egypt-imports-idUSKCN11R1Y3.
http://www.arabnews.com/node/985466/saudi-arabia.
http://www.freshplaza.com/article/170129/Egypt-urges-Sudan-to-lift-ban-on-fruit-and-vegetable-imports.
http://af.reuters.com/article/topNews/idAFKCN11J22M.

W/Q: Axmed Jaamac Ismaaciil
Email: Ahmed_022@hotmail.com

Advertisement

Ku Xayeysiiso