Agaasimaha guud Ee Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Ayaa Maanta Xafiiskiisa Kulan balaadhan kula qaatay Masuuliyiin Sarsare oo ka Socotay Hay’adda Caafimaadka aduunka (WHO) Sidoo kalana kala Wareegay Deeq iskugu jirta Agab Caafimaad iyo Daawooyin

Agaasimaha guud Ee Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Ayaa Maanta Xafiiskiisa Kulan balaadhan kula qaatay Masuuliyiin Sarsare oo ka Socotay Hay’adda Caafimaadka aduunka (WHO) Sidoo kalana kala Wareegay Deeq iskugu jirta Agab Caafimaad iyo Daawooyin.

Hargaysa-02-04-2023-()-Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Jamhuuriyadda Somaliland Dr-Maxamed Cabdi Xergeeye Ayaa Maanta Xafiiskiisa kulan kula qaatay Masuuliyiin Sarsare oo ka Socota Hay’adda Caalamiga ah ee Caafimaadka aduunka (WHO).

Kulankan oo Ay Agaasimaha ku Wehelinayeen Qaar ka Mid ah Agaasime Waaxeedyadda Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka ayaa waxaa kaso qayb-gelay Masuuliyiin ka Socotay Haayadda Caafimaadka aduunka (WHO) iyagoo Agaasimaha uga warbixiyay Deeq Agab Caafimaad iyo Daawooyin Iskugu jirata oo ay ku Wareejinayaan Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka.

Intaa kadib Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka ayaa si rasmi ugala Wareegay Masuulinta Haayadda WHO, agab Cafimaad iyo Daawooyin ah, oo isugu Jira kuwa Xaaladdaha degdega ah iyo Nafaqaynta oo Wax weyn ka tari doona dadaalada ay Wasaaradda Horumarinta Caafimaadku ugu jirto kor u qaadista adeegyadda Caafimaadka ee goobaha lagu bixiyo adeegyada Caafimaadka.

gabo,gabadii agaasimaha guud ayaa uga Mahadceliyay Masuulinta Deeqdan iskugu jira agabka Caafimaad iyo Daawooyinka ee ay soo gaadhsiiyeen Wasaaradda, isagoo hoosta ka xariiqay Muhiimada agabkan iyo daawooyinka Caafimaad u leeyahay Cusbitaalada iyo Xarumaha Caafimaadka ee dalka.

Wa-bilaahi Tawfiiq
Abdishakour Fahiye
Xafiiska Warbaahinta ee Wasaaradda
Horumarinta Caafimaadka JSL.

Advertisement

Ku Xayeysiiso