Gudoomiyaha Degmada M/Haybe oo Magafe ku noqday Bulshada ku Dhaqan Degmadaasi, Isagoo Gabay Masuuliyada Waajibaadkiisi shaqo Degmadiina Curyaamiyay.

Gudoomiyaha Degmada M/Haybe oo Magafe ku noqday Bulshada ku Dhaqan Degmadaasi, Isagoo Gabay Masuuliyada Waajibaadkiisi shaqo  Degmadiina Curyaamiyay.

Gudoomiyaha Degmada Maxamuud Haybe Cabdilahi Maxamed Rooble, oo In mudo ah Degmada Gudoomiye ka ahaa ayaa Shacabka ku dhaqan Maxamuud Haybe ee Cashuur bixiye yaasha ah ku Noqday Ma Gaffe Isagoo Dhibaato Kadeed Joogta ah ku ah Dadkii loogu talagalay inuu wax u qabto oo uu si daacad ah ugu shaqeeyo.

Dhibaatooyinka Joogtada ah iyo Farsamo xumidiida Gudoomiyaha Degmada M/Haybe iyo Sidoo kale Dhibta uu ku hayo Shacabka waxaa kamid in Maalin walba Muwaadiniinta Guryahooda uu usoo diro Shaqaalahiisa kuna amro inay Albaabada kala soo yaacaan Guryhaha, arintaasi oo dhaqan Xumo, Maamul iyo mid Diineedba ah in Caruurta iyo Dumarka Marwooyinka ah ee Ragoodu ka maqan yahay Albaabada laga saaro Aqaladooda taasoo Wax walbaaba ay ka dhalan karaan.

Gudoomiyu waxaa Kale oo uu caadaystay inuu Shaqada qaranka iyo Waajibaadka loo igmaday uu si baaxad leh ugu Fashilmay isagoo Shaqada Xafiiska Goorta uu doono Yimaada Mararka qaarna aan kaba soo xaadirin iyadoo ay Dad badan uu Muwaadiniin ahi shaqooyin kaga xidhan yihiin.

Ku Darsoo Degmada Maxamuud Haybe Mudadii uu Gudoomiyaha ka ahaa Cabdilahi Maxamed Rooble Budle, Xashiishkii waa uu Hadh belay waxaanad arkaysaa Xaafado badan oo uu Tuulan yahay Xashiishku iyadoo arintaasna uu ka seexday warna aanu u haynin, Arimahaasi oo kalena waxaa ka dhalan karo Cuduro iyo saxo xumo ku dhacda caafimaadka Bulshada.

Intaas oo kali ah kuma eka Fashilaada Cabdilaahi Budle hasa yeeshee waxaa u dheer Musuq maasuq ku xad gudub Awoodeed isagoo uga Faa’idaysana Xilka uu hayo, Masuulkan ayaa waxaa uu Noqonaya Mid kamid ah Gudoomiye yaashii ugu Aqoonta iyo wax qabadka Liitay ee Gudoomiye looga dhigo Degmada M/haybe Waxaana loogu Talagalay markii shaqsigan oo kale loosoo magacaabayay Degmada, Haba yaraatee inanay wax Horumar ah gaadhin Degmadu oo laga Reebo degmada, Degmooyinka kale ee Caasimada Hargeysa ee ay la tartamayso.

Gaba gabadiina Bulshada ku dhaqan Degmada M/Haybe uma sii dul qaadan doonto Cabdilaahi Budle oo Magafe ku noqday Shacabkii iyo Gabi ahaanba dhinacii Horumarka iyo wax qabadka degmada Shacabkuna waxaa ay si dhaqso ah u Rajaynayaan in Xilka Gudoomiye’nimo laga qaado Shaqsigan Horumarkii caqabada ku noqday.

Advertisement

Ku Xayeysiiso