Qowsaarku  ha’jiro Geelliisee,  Yaanu kaga tagin Dhoobiga.

Qowsaarku  ha’jiro Geelliisee,  Yaanu kaga tagin Dhoobiga.

 

07th –Murch-2019

Somaliland waa dad hodan ku ahaa hiddo samida dhaqankeenii suubanaa  ee miyiga iyo reer guuraanimada, waxaana laf-dhabar u ahayd dhinaca jiritaanka aassaasska noloshooda, kuna tiirsanaayeen wax-beerista oo ahayd habka soo saarista dhirta aynu ka helno cuntada iyo dhaqashada xoolaha nool

Xoolo-dhaqatadu iyagoo ka duulaaya kala duwanaanshaha hab-nololeedka iyo meertada nolosha, ayey ku sargooyeen habkii ay ku maareeyn lahaayeen xoolaha ay dhaqdaan, waxaanay ka soo baxeen xoolo-jirka dugsiyadii ugu horeeyey ee ka hirgalay dalkeena.

 

Dugsiyadaas waxa lagu baran jiray, sahaminta,  hillaadinta, kaydinta, beerista, dhaqanka, dhaanka, illaalinta, lisida, aroorinta iyo waraabinta xoolaha, dhinaca farsamadana, waxa lagu baran jiray sameynta qabaalka, mooyaha, kalaxa, fandhaalka, udbaha, koorta iyo waranka, haddana, intaas oo kaliya kumay koobnayn wax-barashadoodu, balse, waxa kale oo lagu tababari jiray  fardo-fuulka, dabaasha, dhaqanka  iyo hab-dhaqanka uu leeyahay gadh-wadeenka reerku.

 

Dhinaca kale, xoolo-dhaqatadu waxay u kala saari jireen xoolo-jirka  laba nin oo kala ahaa, sida, qowsaarka oo ahaa ninka geela ka adag, xergeyntooda, illaalintooda, waraabintooda, aroorintooda, foofintooda, maalidooda, daajintooda, caraabintooda, daaweyntooda, baadidoonkooda iyo u kuurgalidooda hadba xaaladdaha ay ku sugan yihiin xooluhu.

 

 

Halka dabadhoonkuna uu ahaa kurayga caawiya qowsaarka, kaasoo ka adag geel marmaristooda, maraq u feedhistooda, godolkooda, horistooda, nirgaha ka guristooda iyo ka celintooda, sidoo kalena,  qowsaarku marka uu muraadka yeesho xoolaha waxa uu kaga tagi jiray dabadhoonka,  laakiinse, dabadhoonku muu wada fulin jirin hawlahaa shaqo ee loo igmaday.

Hadaba,  marka reerku  aanu lahayn labadaa nin midnaba,  waxa gadhwadeenka reerku u raadiyaa xoolaha, Dhoobi  geela  u jira oo uu lacag ku siiyo xergeyntooda, illaalintooda, waraabintooda, aroorintooda, foofintooda, maalidooda, daajintooda, caraabintooda, daaweyntooda, baadidoonkooda, marmaristooda, maraq u feedhistooda, godolkooda, horistooda,  hillaadintooda iyo  sahamintooda, balse, dhoobigaasi  laga yaabo in uu u daryeelo xoolaha  sidii ay u daryeeli jireen qowsaarka iyo dabadhoonku, sababtoo ah, xooluhu maaha xoolihiisii,  lexo-jeclo’na kama laha.

Marka aynu eegno  maanta nidaamka dimuquraaadiyada ku dhisan ee ka jira dunida,  waxa jira waxyaabo badan oo ay ku kala  duwan yihiin dhinaca xeeladaha siyaasadeed ee ay u isticmaalaan, afkaarta iyo mabaadiida ay aaminsan yihiin, haddana, wax kale oo taasi barbar socota oo wehelisa,  in (Qawsaarada) wadamada hore’umaray ee bixiya deeqaha iyo dhaqaalaha maalgashi ee loogu hore’umarinaayo khayraadka dabiiciga ee ay leeyihiin wadamada soo korayaa (dabadhoonada),  waxa ay (Qowsaarada)  wadamada hore’umaray u  wakiishaan  wadamo kale (dhoobiyada).

Haddaba, waxaan ku soo gunaanadayaa qormadaydan, Jamhuuriyadda Somaliland uma baahna Geel-jiraha dhoobiga ah (Wadamo kale), Laakiinse, Somaliland waxay u baahan tahay in ay geellooda jiraan Qawsaaradu (Wadama Maal-gashigu), haddii kale’se,  Waa in ay Somaliland  ka noqoto dabadhoon.

Qoraa/: Maxamed Faarax Qoti

mfqoti@gmail.com

 

Advertisement

Ku Xayeysiiso