Shinaha oo shaaciyay in ay xabsiyo ku hayaan 13-kun oo muslimiin ah

Madax ka tirsan Shinaha ayaa sheegay in laga soo bilaabo sanadkii 2014 ay xabsiyo ku yaalla gobolka Xinjiang  ee dhaca galbeedka fog ay ku hayaan 13-kun oo muslimiin ah oo ay ugu yeedheen argagixiso sida ay maanta shaacisay dowladda dalkaasi.

Hadaladaasi ayaa u muuqda siyaasad dheer oo dowladda dalkaasi ay ku difaaceyso qorshaha midab takoorka  ah ee ay ku heyso dadka muslimiinta ah,gaar ahaan kuwa asalkoodu yahay Turkiga.

Shinaha waxa soo wajahay wallaac kordhaya oo ka imaanaya beesha caalamka,gaar ahaan khuburo ka tirsan Qaramada Midoobay ayaa sheegay in xerooyin ama xarumo gaar ah lagu hayo dad muslimiin ah oo u badan Uighurs  ,kuwaas oo gaadhaya hal Milyan oo ruux.

Beijing ayaa sheegtay in ay u baahan tahay tallaabooyin ay ku qaaddo cabsida mileteri ee kooxaha muslimiinta,waxayna xarumaha lagu hayo muslimiinta ku tilmaantay kuwo dhaqan-celin ah.

Tan iyo sanadkii 2014-kii gobolka Xinjiang waxaa ka dhacay shaqaaqooyin gaadhaya 1,588,waxaana la qabtay 12,995 ruux halka gacanta lagu dhigay 2-kun oo walxaha qarxa ah,iyadoo dad gaadhaya  30,645 ay saameeyeen culeys ka yimid dowladda Shinaha.

Advertisement

Ku Xayeysiiso