Yaan CV-ga ku hagaajiyaa

Yaan CV-ga ku hagaajiyaa

 

Waa 24 jir dalkiisa hooyo maalina aan dhinac uga bixin, wuxuu wax barashadiisii hoose dhex ilaa heer jaamacadeed ku dhamaystay magaaladii uu ku dhashay kuna barbaaray. Waxa uu soo afmeeray geedi socod  aqooneed oo muddo badan ku taamayey inuu gaadho.

Maanta waa muddo kar, wax bartey haysta shahaadada heerka koobaad ee jaamacada, waxa uu baadi goob ugu jiraa inuu shaqo helo, laakin in badan oo isku daayey iyo meelo badan oo Sooyaal aqooneedkiisi (CV) u gudbiyey uu shaqo ka helo hadana inta badan wax jawaab celin ma helo.

Maalin dhexdaasa oo aanu ku  kulanay  mid ka mida makhaayada shaaha laga cabo oo aanu iska xaal wareysanay waayaha dalka iyo arrimaha horyaala, waxa uu I su’aalay su’aal aanan aniga lafteydu jawaab u haynin oo ahayd ‘’ Madaxdii dalka waxa na leeyahiin Hal abuura noqda ‘’(Entreprnuers)

Hal abuurnimadu hadii ay  tahay kuliyad laga baxa ama goob loo shaqo tago dhalin yaro badan ayaa gaar u  aadi lahaa, hadii ay goob shaqo tahayna in badan ayaa ka xaadiri lahaa ee Yaan CV-ga u geeya.

   waa mar uu rabey in igala hadlo bal xaga ugu dhaw ee shaqo laga heli karo talo iyo tilmaanba. Waxa uu ii sheegay inaanu odayaal dhaqameed ku xidhnayn, Siyaasinta aanay is aqoon, dad isku haybta  yahiin oo dawlada u shaqeeyana  aanu aqoon u lahayn, waayo wakhtiba uma helin barashadooda ee aqoontiisa nafeed iyo iska dhiska naftiisa ayuu ku mashquulsanaa.

Maqaal aan qorey 2015-kii ayaa xog-ururintiisa waxan ku helay iney jaamacadaha dalka ka baxeen in ka badan 4247  arday isla sanadkaas 2015 kuwaas oo dhameystay wax barasho heerarka kala duwana.

Tiradu waa mid sanadba sanadka ka dambeeya, ka sii badaneysa oo waliba xawli ku socota.

Waxa marag ma doon ah iney in shaqada dalka taala iyo qul-qulka ardeyda soo qalinjabenaysa sanad kasta ay kala badan yahiin.

Waxa kaloo Iyana aan meesha ka madhneyn in qaar badan oo oo ka mida jaamacadaha dalka ku yaala aaney u diyaarin ardeydan suuqyada cidhiidhiga ah ee dalka, ee kaliyaata waxa ay xooga saaran ay tahay macaashka yar ee ka dheefaan taas oo keentay in tayada arday badan oo ka baxda jaamacadahasi aaney wanaagsaneyn.
Haayadaha shisheeye ee dalka jooga oo ah kuwa qudhaata ee inta badan boosaska banan lagu arko beraha Internetka ayaan iyagu ahayn qaar ardeyda siiya, fursado ay naftooda ku horimariyaan sida Tababar shaqo (Internships) iyo shaqooyin kale oo ku meel gaadha toona, ee waxa qudha ee la soo xayeysiiyaa ay tahay shaqo khibrada u yari ay tahay 5 sano iyo wax badan. 
Taasina ay suuqa ka saarto ardayda cusub ee sanad walba soo baxda (Fresh graduates) oo arkiba maysid shaqo soo qoreysa ardayda noocasa iney raadinayaan,taasina maaha mid cadaalad ku dhisan ee waa qaacidada loo yaqaano (Only the fittest can survive) oo in ah ayaad mooda in suuqaasi u xidhan yahay inta kalena uu ka xidhan yahay.

Hadaba xukuumad ahaan, Maxaa uga meel yaala, ma in ahmiyada koobaad la saara in ardeyda la yidhaa wadamada deriska u shaqo tagaa, Mise waa in dalkooda shaqo looga abuura, iyadoo laga faa’iideynaayo fursado waxii aynu haysano haba yaraadaane.

Hadii inta labeenta ahi inaga tago, ma in huubuhu iskugu soo hadhaa qorshaheenu,hal abuurku wuxuu u baahan yahay Maal gashi oo hadii aanay dhalin yaradu helin maal gashi ay fikirkoodii ku socodsiiyaan meel ma gaadhayo.

Waajib maaha dadku iney shaqaale dawladeed wada noqdaan, ee waxa muhiima iney dhalinyaradu  ay helaan fursado shaqo oo naftooda ku maareeyaan.

 ‘’Hilbo cidi ku siisa, hanadow dhibaatiyo haraad kaama reeban’’ Kaalmo shisheeye ama mashruuc ay qolo inoo fulisaa ma dabooli doono baahida baaxada leh, ee dalka ka jira, waynu ogsoonahay in waxa yar aynu heysanaa uu yaryahay, laakin hadii aan waxaa yar si fiican loo maamulin, dhibaatada, tahriibka , camal la’aanta iyo qabyaaladu waa mid taagnaan doonta.

‘’Ardaydii Tasowdoo dalka way ka tagayaane

Tubtii ina cali sheegaybay toos u marayaane

Nin tashada, nin tahriiba iyo nin tiisu qarisaaba

Tallo xumada qaalinbey tuur ka jabisaaye

Tuska hoorey iyo tii Alla Imane.’’

 

Ayanle Osman

Hargeisa 

Advertisement

Ku Xayeysiiso