Wakiilada Sharci darrada ku jooga Waddani. W/Q: Xuseen Badmaax

Xildhibaan Saciid Cilmi Roble iyo xildhibaanada la midka ah ee sheegta inay ka tirsanyahiin xisbiga mucaaridka ah ee Waddani bal hada shacabka haw sheegaan qodobka dastuur ee ay ku joogaan xisbiga mucaaridka ah ee Waddani.
Wakiiladaasi waxay shacabka maalin walba la hortaagan yahiin Dp world qalad ayaa loola heshiiyay,Saldhiga ciidan ee Berbera hadii uae la siiyo cirka iyo dhulkuba way innala dumayaan oo Xuutiyiinta ayaa gantaalo innagu soo ridaysa,berera-na uae ayaa kaga duulaya. Bilaahi caleek bal waxa nimankaa wakiilada ahi ay dhegaha dadka ugu shubayaan eega.Waar maxaa beenta iyo xumaanta shacabka ugu sheegaysaan,miyaanu ilaahay inna odhan danbiga 3aad waa beenta xun ee dadka lagu dhex faafiyo.Waar alle ka baqa oo shacabka ka xishooda.
11sanno iyo bilo ayaad golaha wakiilada fadhidaan,waa term-kii 3aad, Saciidoow sharciga aad ku fadhidaa ee aad ku tahay wakiil bal hada noo sheeg.Adigoo sharci darro ku ah xildhibaan ma tihid ninkii maanta sidaa u hadli lahaa.Waar nabadgelyada iyo intaa yar ee aynu kab-kabayno awgeed ayaad ku fadhidaa ee mar hore ayaanu luqanta kaa soo qaban lahayn golaha aad sharci darrada iskaga fadhidid iyo xisbiga aad sharci darrada kula joogtid.
Saciid Cilmi Roble waxan kuu sheegayaa adr Berbera qaranka ayaa xukuma,xukuumada manta dalka hogaamisa ayaa mandate u haysata talada dalka markaa dalkan rag baa ilaashanaya ee miyirso,ku soo laabo xayndaabka fayaw. Hadaad mucaarid tahay si asluub iyo anshax leh wax u mucaarid oo ku salaysan xaqiiqada u hadal,soona bandhig dhaliilo aad cadaymo u hayso. Cay iyo calaal isaaq mooyee Saciidow colaad wax kama tartid.
Wakiilada sharci darrada kula jooga Waddani waxa aan leeyahay hadii aad sharci ku doodaysaan horta idinku baneeya golaha wakiilada,idinka oo aan xil xaaraan ah sidan ka mid noqda xisbiga qaran ee Waddan

Xuseen Xasan Badmaax
Hargeysa/JSL

Advertisement

Ku Xayeysiiso