Waxay Wayday nolosheeda ka dib markii ay isku dayday inay iskaga qaado “Selfie” daaqada

Gabadh dhalinyaro ah ayaa geeriyootay ka dib markii ay ka soo dhacday daaqada dabaqa labaad iyadoo sawir Iska qaadaysay “Selfie”.Sidaana waxa warisay Wargeyska Daily Mail.

Tony Kelly ayaa ahayd gabadh dhallinyaro ah oo faraxsan oo qurux badan Waxayna la kulantay Shil Naxdin badan waxayna ku noolayd London, “ayuu yidhi Qof la saaxiib ahaa isaga oo soo dhigay barta Facebook.

“Waxaan isku daynay inaanu ku deeqno xubnahayaga si aanu u badbaadino nolosha Kelly, laakiin nasiib daro way dhimatay ka dib dhicitaankii ay ka soo dhacday dabaqa labaad.”

Iyada oo sii wadata hadalkeeda waxay raacisay “Aad ayay u xanuun badan tahay qoyskeeda,” ayay tidhi, “Ma fududa inaad gabadhaada ku waydo dariiqaas.”

Tony Kelly ayaa u guurtay Boqortooyada Ingiriiska sanad ka hor iyada iyo qoyskeeda markii ay ka soo guureen Wangari ee New Zealand.

Warqabadka Toggaherer

Advertisement

Ku Xayeysiiso