Rabow nodoor kii diintayada dadkayaga iyo dalkayaguba mahadiyaan ma dooran karno anaguye
Muddo kobyo labaatan cisho kadib ,
shalay waxaa soo gabagaboobey ololihii xisbiyada , halkaasoo intuu ololuhu socday ay dadwaynuhu ku kala duwanaayeen taageeridooda.
Inkastoo isku soo baxyadaa dadwaynaheenu xamaasad watay , waxa a ah in ilaahay lagu mahadiyo mar hadii khasaarihiisu yaraa , mooyaane dhaqan xumo dhalinyaradeenu inamo iyo halaba ay ku kaceen .
Intaa markaan ka imado maanta oo ay bishu tahay 11 / 11 /20017 Waxaa haataan doorashadii ka hadhay mudo aad u yar oo ah bari oo ay bishu tahay 12 / 11 /20017 , waxaan kaliyee naftayda iyo nafihiina kula dardaarmayaa inaynu qabyaaladan aynu wax ku dooranayno iska dhaafno , oo qof kastoo inaga midi istiqaaraysto yacnii rabigii isku xidho isagoo leh ilaahoow qalbigayga iyo quluubta mujtamacayaga kasaar qabyaalada oo noo door kii diintayada , dadkayaga , dalkayaga horumarin kara ee ay mahadin donaan , oo raboow quluubtayada kasaar inaanu qabiil wax kudoorano .
Ugu danbayn aynu ku ducaysano inuu rabi inoo dooro murashaxii dadkeena iyo dalkeena wax u tari kara intaas ayaa iga xasuusina .
Mahadsanidiin