Adeega daawaynta ee cilmibaadh & horumarinta guud ee Adeega caafimaad ee bulshada somaliland

Adeega daawaynta ee cilmibaadh & horumarinta guud ee Adeega caafimaad ee bulshada somaliland

Qorshaha hawl galka dhakhaatiirta cilmibaadh:
Waa laba qaybood
1: Waa dhakhaatiirta iyo shaqaalaha Adeega caafimaad ee dalka ka hawl gala oo mudan tix gelin gaara qayb kamida in la baro oo lagu wareejiyo wixii guulo dawooyin ah ee cilmibaadhista lagu gaadhay 18 sano tan iyo 1999 waana dawooyin aad u badan. .
U jeedadu Waa in ay somaliland dhamaan dadka ku nool iyo kuwo u soo dawo doontaba ay helaan Adeega daawaynta cudurada:
1: halista ah
2: faafa
3: xumaada (chronic)

Wax qabadku Waa: shaqaalaha caafimaad ee dalka ayaa ku hawl galaya Adeega daawaynta cilmibaadh ee hal qof debada laga keenimaayo. .
Sidaasi Waa dhakhaatiirta cilmibaadh waxay hayeen dadka iyo dalkay u wareejinayaan .
2: horumarinta Adeega caafimaad ee somaliland:
Oo ay tahay in ay iska kaashadaan wasaarada caafimaadka somaliland iyo Adeega wadanigaa (ee aan gaarka loo lahayn)ee daawaynta cilmibaadh
Adeeg caafimaad oo dhamays tiran wuxuu ku xidhan yahay horumarinta 4 tan:
1: horumarinta shaqaalaha caafimaadka ee dhakhaatiirtu ka kaw yihiin si ay somaliland ula sinaato dawladaha horumaray heer caalamiya
Takhasus kasta. .
2:qalabka loo adeegsado caafimaad dhamaantii markay warshadaha soo saaraa suuqa soo geliyaan in somaliland soo iibsato oo lagu hawl galo.. Ha ugu sii muhiim sanaado qalabka shaybaadhka iyo hubintu(diagnostic) iyo qaliinku..
3: dawooyinka: in lahelo dhamaan dawooyinka loobaahan yahay ee tayadooduna aadka u sarayso
– kuwa aynu ka keensano debeda Waa in la ilaaliyo tayadoodu inaanay aad hoos ugu dhicin iyadoo wasaarada caafimaadka somaliland ay raacayso fulinaysana sharciyada iyo xeerarka u yaala nidaanka ilaalinta aad hoos ugu dhicida dawooyinka warshaduhu sameeyaan..
Si loosiiyo bukaanka dawo 70% waxtarka tayadeedu hadhay
Wax yaalaha dawooyinka warshaduhu sameeyaan hoos u dhiga in taanay dhicin taariikhdeedu:
Marka warshadaha irideeda lagasaaro waxa bilaabmaya hoos udhaca tayadooda
– meesha warshaduhu ku kaydiyaan (store)
– qoraxda
– hawada
– badda
– heer kulka. . aan loogu talo gelin
– iftiinka korontada guryaha
Iyo waxyaabo kale
Tayada dawooyinka aynu keensano Waa in laga kaantaroolaa wasaarada caafimaadka somaliland
4: wacyi galinta dadka:
Si ay sifiican ula jaanqaadaan Adeega daawaynta iyo ilaalinta caafimaadka joogtada ah
Sida dawladaha horumaray oo aan kaga humarsanaan doono dawooyinka qaarkood .. Sida kuwa dhirta oo sharciga iyo xeerka dawooyinka ee caalamiga ah waafajisan.
Dawooyinka u diyaarsan warshadaynta ee dhakhaatiirta cilmibaadh soo saareen:
Waxa loo gudbinayaa hayada caafimaadka caalamka(who)
Si loo warshadeeyo oo caalamka loo wada gaadhsiiyo ..
Wixii dawooyinka dhirta ama dabiiciya Waan isticmaalaynaa intaan la warshadaynayn
Cilmibaadhista:
Way soconaysaa waana in lagu wareejiyo laan (corporation) sii wada.. taasi waxay ka midtahay istaraatiijiyada sii wadista Cilmibaadhista
Aragtida dadawyna waa in lagu daraa hawl galka Si ay qayb uga noqdaan wax qabadka .
Qorshaha hawl galku wuu balaadhan yahay tii allena meesheed.
Wasaarada caafimaadka somaliland waa in laga helo wada shaqayn fiican

Dhakhaatiirta cilmibaadh

Advertisement

Ku Xayeysiiso