Isa-Seeg Qeybtii 4-aad W/Q: Mohamed Hassan Daacad

Waxa Cabbaas habeenkii inteedii badnayd soo jeed ku qaataba,inyar ka dib ayuuu labaddii indhood isu-keenay,waana uu gam’ay.Daqiiqado kooban ka dib, waxa uu galay Riyo dheer oo aad u rajo-wanaagsan iyo dhacdooyin dhibaato iyo wer-wer badan u saaxiib ah leh,taas ka dhigtay inuu noqdo qofka adduunka ugu farxadda badan oo ay xumad iyo dhibaato wakhti dheer haysayna ay ka jabtay.Cabaddaas ayaa waxay riyadiisii ahayd sida tan; { Cabbaas oo la-socda koox asxaabtiisa ah oo ay kubadda cagta wada ciyaaraan,ayaa waxay soo maraayaan mid ka mid ah Guryaha xaafad kayara durugsan tan uu Cabbaas ku nool-yahay.Waxay jidka ku kulmayaan Labbo Hablood oo Biyo wata,kuwaas oo gaynayana Guryahooddii oo sida muuqata meel yara durugsan kasoo qaaday biyaha,hablaha ayaa Saddex wiil oo cabbaas ku jiro waxay ka codsanayaan inay saacidaan,isla-markaasna ay biyaha lasii qaadaan maadama ay isku jiho u socdaan.Kaftan iyo xilfaalayn kooban ka dib,wiilashii ayaa ka aqbalaya dalabkii Hablaha,waxaanay kala wareegayaan qaadista biyihii,waxaana inta jidka lasii socdo laysku  sii tuur-tuurayaa weedho kaftan ah.Cabbaas ayaa waxa uu ka mid ahaa Labaddii Wiil ee ugu horreeyay ee labadda Jirikaan ee Biyaha ah qaada,sidaas darted fursad uma helin inuu si buuxda uga bogto Wajigga labadda Hablood ee ay biyaha lasoo qaadeen.In masaafo ah markii la-socday ayaa mid ka mid ah asxaabtiisu ka codsadday inuu ka nasiyo,maadama uu in door ah soo siday,cabbaasna wuu ka aqblay oo ma diidin,waxaana uu dhulka dhigay Jirikaankii,isaga oo leh “Waar bal iga qabo,waaban ku daallee,dee baryahan malaa oday baan soo noqonayaayoo waxbaba ma qaadi karee,hadda dhawr sanno ka hor waxaaban ku siggan jiray in  aan Foostooyinka qaado.kkkkkkkk… oo dee hebelna yaa ka nasin? Waar waa nasiibkiiye anniga horta iga qaad,isaga Habluhu haka nasiyaane,mise isaggu Iska-caabin buu ku dhimanayaaye,iska daa Feedhuhu ha-madoobaadaane,Biraha ayaan qaad-qaadaa ayuu nagu xiijiyaaye,Bal galabta ayaa lagu tijaabinayaa car ilaa gurrigii hal-mar ha-dhigin”. Ayuu yidhi Cabbaas oo saaxiibkii xifaalaynaya.

Markii uu cabbaas sidaas hadalkii u jaray ee in kooban la-socday mid ka mid ah hablihii ayaa hadal naxariisi ku jirto waxay ku tidhi; “ Walaalo-yaal,aad baad u mahadsantihiin,waatanba xaafaddii aynu hor-maraynee,halkaas noo dhiga,ALLAH xoogga haydiin barakeeyee”.Intaas markay tidhiba waxa xageeddii soo jalleecay Cabbaas, waxaana uu markiiba aqoonsadday Inantan,isaga oo xaqiiqsaday inay tahay Inantii Habeenkii dhawayd ay isku arkeen Farmasigii ee uu aadka u raadinayay dhibka badana uu habbeenkaas u maray helisteeda.Hadalba wuu kasoo bixi waayay Cabbaas,waxaana uu noqday sidii Geed meel-ka-taagan oo kale,Hablihii Gurrigii ayay galleen,Inamaddii ay wada-socdeena socodkoodii ayay sii wataan,iyaga oo moodaya in uu saaxiibkood la socdo,cabbaasna waxa uu wali taagan-yahay goobtii uu ku xaqiiqsaday in mid ka mid ah hablaha la socdaa ay tahay inantii Muuqaalka-bilnayd ee ay goobta caafimaad isku barteen.Cabbaas xaalku waa ku adag-yahay,asxaabtiisii uu arrinta la-wadaagi lahaana wali waxay sii wataan socodkoodii oo waxay is-leeyihiin intaan maqrib la eedaamin guryihiina gaadha,si aad Sallaada Maqrib jamac ugu gaadhaan.Cabbaas waxa uu garwaaqsanyahay in sidan aannu Inanta ugu babac-dhigi Karin,isla-markaasna loo baahan-yahay inuu si deg deg ah gurigii u tago oo soo labbisto dharkiisa ku ugu quruxda badan,mid ka mid ah asxaabtiisana wuu kasoo gaxaytso gaadhi uu leeyahay.Wax rasmi ahaan uga go’an inuu Inantaas caawa uu go’aan buuxa kala yimaado oo uu ku qanciyo inuu jecel-yahay oo uu ku arkay Goobta Caafimaad habeenkii dhawayd ee uu roobku da’yay ee ay Wiilka yar ee nabarka lagu dhuftay ay wadday.Waxa uu kalsooni buuxda ku qabaa in aannu u baahnayn cid kale uu uga soo milxiista,isaga oo ka baqaya in haddii mid ka mid ah asxaabtiisa uu arrinta la wadaago ayba suuragal tahay in lagala wareego,halkaasna uu ku waayo muuq-billan,saaxiibkiisaasna ay colaaddi ka dhex-bilaamanto.

Inyar ka dib,Cabbaas waxa eegay dhammaan astaamaha uu gurrigan kusoo garan garo,waxaana uu si deg deg ah u qaabillay jihaddii uu gurigoodu ka xigay,isaga oo doonaya inuu kasoo labisto,saaxiibkiina gaadhigii kasoo kaxaysto.Wakhtigu aad buu ugu yar-yahay,waxa uu aad u deg-degsanayaa inta uu gurriga kusii socdo.Cabbaas waxa uu gaadhay Gurigoodii,waxaana uu usoo labbistay si deg deg ah,daqiiqaddo ka-dibna waxa uu telafan u diray saaxiibka Fahad oo ay isku-fasal yihiin oo leh gaadhi kuwa Raaxadda ah,balse waxa laga jawaabi la’yahay telafankii Fahad,waxaana uu si is-daba-joog ah u garaacayaa Telafanka,isaga oo aad u gariiraya-dareenkiisuna kacsanyahay…}



La-soco qeybaha Sheekaddan oo aad u xiiso badan,

W/Q: Mohamed Hassan Daacad

Email;Daacad461@gmail.com

Advertisement

Ku Xayeysiiso