Wada-hadalka Somaliland iyo Soomaaliya qaybtii 4aad

                                                                   Jan 2020

Kala duwanaanta dhinaca fikirka Somaliland iyo Soomaaliya

 

Wada-hadal kasta oo dhexmara Somaliland iyo Soomaaliya,ma noqonayo mid midho dhal ah,sababtoo ah waxaa jira kala duwanaansho aad u weyn oo ku saabsan,sida loo wada-hadlayo iyo cida  wada hadlaysa.

Qaybahan dambe waxan idiiinku soo bandhigayaa kala duwanaanshaha labada dhinac Somaliland iyo Soomaaliya iyo sida dhinac waliba u fekerayo amase Kala fogaanshaha labada dhinac ee ku saabsan waxa ay kala aaminsan yihiin,taas ayaana markasta masuul ka ah, in ay socon waayaan wada-hadalku amase in wax guul iyo horumar ah  laga gaadhi waayo wada-hadalka Somaliland iyo Soomaaliya.

Qaybtan waxaynu eegaynaa kala duwanaanta,cida wada-hadalaysa amase qaybaha wada hadlaya,iyo sida laba dhinac mid waliba u fekerayso oo ah sidan:-

 

Somaliland:-

 

Somaliland waxay aaminsan tahay,doonaysaa in loo wada hadlo ,laba Dowladood oo siman , midna xoriyada  ka qaadatay Gumaystihii Ingiriisk 26 Juun 1960 midna  xoriyada ka qaatay Gumaystihii Talyaaniga 01 July 1960, ka dibna midoobay midoobay  1 July 1960.

Soomaaliya:-

Soomaaliya waxay aaminsan tahay in loo wada hadlo Gobolo cadhaysan iyo Dowlada Federaalka Soomaaliya.Dowlada Soomaaliya waxay u aragtaa wada hadalka Somaliland iyo Soomaaliya,— “Dowlada federaalka ah iyo Dowlad Goboleed cadhaysan oo wada hadlaya.Guud haan Soomaaliya waxay u aragtaa waxa ka dhexeeya Somaliland iyo Soomaaliya arin  u gaar ah arimaha gudaha ee Soomaaliya.Iwm

Arimahaa iyo qaar kale oo badan ,oo aan idiinku soo gudbin doono qaybaha dambe,waa sababta keentay in wada hadalka Somaliland iyo Soomaaliya uu dhinacna u socon waayo.

 

ALLAA. M A H A D    L E H

Amb. Abdi M.Saleiman(Mingiste)

 abdi_saleiman@hotmail.com

 fb. Abdi Saleiman

 —- la soco qaybt 5aad ( Sida laba dhinac u arkaan raali gelinta wixii dhacay)

Advertisement

Ku Xayeysiiso