Madaxweynaha Ruushka iyo Hogaamiyaha Jarmalka oo si Wada Jir ah Uga Hadlay Xaaladda Dalka Liibiya.


Madaxweynaha dalka ruushka Vladimir Putin ayaa si cad u tilmaamay in xaaladda ka taagan dalka liibiya ay si weyn u saamayn doonto xasiloonida wadamada gobolka isla markaana ay liddi ku tahay dalalka yurub.

wuxuuna hadalkaan sheegay xilli uu socday shir jaraa’id oo ay si wada jir ah u qabteen hogaamiyaha dalka jarmalka Angella Mercal iyo madaxweynaha ruushka Vladimir Putin.

Kulankan oo qaatay mudo ka badan saddex saacadood oo ka dhacay caasimadda Moscow ayay sidoo kale kaga hadleen xaaladaha ka jira dalalka ku yaalla bariga dhexe iyo dalka liibiya, iyagoo isku raacay inay yihiin xaalado aan la dhayalsan karin.

Putin wuxuu tilmaamay in la joogo xilligii wada hadal iyo isfahan nabadeed lagu dhamayn lahaa arrimaha liibiya, si taas loo meelmariyo ayay tahay in caasimadda jarmalka ee Berlin la isugu keeno dhinacyada isku haya dalka liibiya.

Hogaamiyaha Jarmalka Angela Markel ayaa si cad u tilmaantay in dawladdeedu aysan ku tala gelin inay fara gelin qaawan ku samayso xaaladda liibiya balse ay doonayso in wada hadal lagu xalliyo dhibaatada ka taagan dalka liibiya.

Angela Merkel iyo Vladimir Putin ayaa sidoo kale isku raacay in haddii ay sii socdaan xaaladaha cakiran ee ka jira dalalka bariga dhexe ay saamayn xoogan ku yeelan karaan dalalka gobolka iyo dhamaan caalamka intiisa kale, iyagoo maraykanka iyo iiraan ugu baaqay inay joojiyaan weerarada iyo colaadaha ka dhex aloosmay.

Advertisement

Ku Xayeysiiso