Amiirka Qadar Sheikh Tamim  oo boqanaya Iiraan

Amiirka Qadar Sheikh Tamim bin Hamad Al Thani ayaa manta oo Axad ah booanayaa dalka Iran si uu wadahadal ula yeesho masuuliyiin uu ka mid yahay Madaxweyne Hassan Rouhani.

Amiirka ayaa subaxnimadii manta  ka ambabaxay Doha,isagoo aaday aaday dhanka caasimada Cumaan ee Muscat, si uu uga tacsiyadeeyo geerida Sultan Qaboos bin Saciid Al Saciid, isagoo ka dib u socdaali doona Iiraan,sida ay qortay wakaaladda wararka ee Qadar.

Booqashada Amiirka ee Tehraan ayaa timid xilli ay jiraan xiisado kacsan oo ka taagan Khaliijka kadib dilkii Mareykanku ku dilay Qassem Soleimani  oo ahaa taliyihii ugu sareeyay Iran ee Baqdaad iyo sidoo kale gantaal aargoosi ah oo Iran ay ku beegsatay bartilmaameedyada Mareykanka ee Ciraaq.

Advertisement

Ku Xayeysiiso