Waxaa is weydiin mudan haddii amnigii hal kilometer la sugi waayey sidee dal dhan amnigiisa loo sugayaa? Xildhibaan Fiqi oo su’aal geliyey Amniga Dalkaasi Soomaaliya

Madaxda Villa Somalia oo ku mashquulsanaa saddexdii sano ee la soo dhaafay sidii ay kursiga u sii joogi lahaayeen oo kaliya, waxey keentay In argagixisadu ay qaraxyadii iyo weeraradii ugu keenaan guryahooda

Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi oo ka mid ah Baarlamaanka Federl-ka Somalia ayaa dhaliilay xukuumada Farmaajo isaga oo ku eedewyey in ay sugi kari la yihiin Amnigii kuna guuldaraysteen.

Hadal uu baahiyey kagana hadlay weeratkii kooxda Alshabaab ee Hotel SYL ayaa u dhignaa sidatan:-

Dhul baaxaddiisu ay ka yar tahey 1km oo ciid iyo ciidan intii ugu badneyd lagu gadaamay In Alshabaab soo gaaraan, soo galaan, qabsadaan isla markaana saacado badan ka dhex dagaalamaan ayagoo halkaas ka gaystey falal; argagaxin, dhaawac, dhimasho iyo burburin hantiyeed, ma jirto dayacaad mas’uuliyadeed oo ka weynaan karta dhacdadaas.

Waa wax la wada og-yahey In kooxda argagixisada ah ay dagaal kula jirto dadkeena, diinteena iyo dawladnimadeena laakin waxaa is weydiin mudan haddii amnigii hal kilometer la sugi waayey sidee dal dhan amnigiisa loo sugayaa?

Waxaan u tacsiyaynayaa umadda Soomaaliyeed, gaar ahaan dadkii Soomaaliyeed ee is lahaa goob madaxtooyo xeyndaabkeeda ku jirta oo amni ah ayaad joogtaan ee halkaas lagu xasuuqey, intii ku dhaawactayna bogsiimo Degdeg ah, askartii gurmadka ku timid ee shuhadada aheydna Allaha u aqbalo..

Madaxda Villa Somalia oo ku mashquulsanaa saddexdii sano ee la soo dhaafay sidii ay kursiga u sii joogi lahaayeen oo kaliya, waxey keentay In argagixisadu ay qaraxyadii iyo weeraradii ugu keenaan guryahooda, halkii laga rabey In argagixisada la dabarjaro. Waxaa muhiim ah In tallaabooyin degdeg ah oo dhanka amniga ah la qaado.

Advertisement

Ku Xayeysiiso