Bulshada Tukaraq oo Taageeradooda Xukuumadda ku Muujiyey soo Dhaweyn ay u Sameeyeen Wasiirka Warfaafinta

Wasiirka Cusub ee Wasaaradda Warfaafinta,Dhaqanka Iyo Wacyigelinta Somaliland Mudane Saleebaan Yuusuf Cali (Koore) oo maalmihii  u dambeeyey safar ku marayey Gobollada bariga Somaliland ayaa si ballaadhan loogu soo dhaweeyey Deegaanka Tukaraq ee Gobolka Sool.

Wasiirka Cusub ee Wasaaradda Warfaafinta iyo Weftiga uu Hoggaaminayo ayaa Odayaasha,Waxgaradka iyo Dadweyne aad u tiro badani waxay ku soo dhaweeyeen Deegaanka Tukaraq ee ka tirsan Gobolka Sool.

Waxaa Halkaasi ka hadlay Odayaasha iyo Waxgaradka Deegaanka Tukaraq ee Gobolka Sool waxa ayna u mahadnaqeen Wasiirka cusub ee Warfaafinta, waxaanay  u balan qaadeen inay si wanaagsan ula shaqaynayaan.

 Wasiirka cusub ee Wasaaradda Warfaafinta Somaliland Saleebaan Cali (Koore) oo la hadlay bulshadii soo dhaweeyey ayaa sheegay in isbeddel weyn uu ka muuqdo Deegaanka Tukaraq intii ay Xukuumadda Somaliland gacanta ku haysay,

Wasiirku waxa kaloo  uu u mahadnaqay dadweynaha reer Tukaraq sida wanaagsan ee ay u soo dhaweeyeen, waxaanu dhex lugeeyey magaalada dhexdeeda masaafo xoogaa ah, iyadoo dadweynuhuna ku dhawaaqayeen hal-ku-dhigyo ay ka turjumaya soo dhaweyntiisa.

Advertisement

Ku Xayeysiiso