Beentii Qarniga. W.Q: Abdirashiid Aw muse Aadan

Beentii Qarniga

W.Q: Abdirashiid Aw muse Aadan

Asc .waxaa maalinba maalinta ka dambaysa isasa taraysa Hagardaamada iyo jalaafooyinka loo dhigayo in Doorosho somaliland ka dhacdo gaarahaan doorashooyinkii mudaysnaa ee deeganka iyo wakiilada . Waxaan aad ula yaabay qaabka ay xukuumadu uga jawaabtay eedaymihii mucaaridka iyo bulshada ee ku saabsanaa Oo xulida xubnaha komishanka cusub .

Waxay si cad usheegeen in aanuu jirin nin laga diiday golaha guurtida hase yeeshee isaga laftiisii ayaa noqday Tusaalaha nool ee banaanka soo dhigay oo waraysi uu ku tilmaamato in la celayay bixiyay. Dhacdadani ayaa noqotay “Beentii Qarniga”.

Siyaasadu kolay way noocya badantay been iyo xadaaradina kama maqna laakiin waxaa haboonayd in xukummada Somaliland ay waxyar ka fiirsato kubada ay gidaarka tooska ugu laaday ee ku soo noqotay iyadoo sideedi ah. Waxaanu xukuumada ku waaninaynaa in laga gudbo siyaasada ah ijiid aan ku jiido e oo ay iyadu horaan yeesho in doorosha ka dhacdo wadanka oo aanat soo celcelin jalaafooyinka iyo hagardaamaynta doorashada. Marka dhanka kale laga eego shacabka somaliland marka ay arkaan xukuumadii ay soo doorteen oo sarajooga ku ataxiyaadsanaysa waxay waxay ujeesanayaan dhanka mucaaridwaxay iyana jaanis iyo rajo fiican u ah.

W.Q: Abdirashid Aw Muse Adan

Advertisement

Ku Xayeysiiso