Guryasamoma IDPs baa mise waa ceel shidaal? Haji Ali Magan

Guryasamoma IDPs baa mise waa ceel shidaal?

Haji Ali Magan

Guryasamo IDPs oo Noqotay goob lagu badbaadiyey kumanyaal qoys. Sida laga wadda warqabo abaarihii isdabajooga ahaa eek u dhuftay Somaliland sanadihii 2011-2015-2017, waxay sababeen saboolnimo baaxadleh iyo barakac balaadhan kadib markii xoolihii noolaa ee reer guuraaga goboladda dalka oo dhan ay saameysay abaarahaasi.

Deegaanka Gursayaso waxay dhacdaa koonrfurta magaalada Burco qiyaastii waxay ujirtaa 18km , waxay noqotay xarunta ugu balaadhan barakacayaasha gobolka Togdheer , waxaa degan dadyow kala duwan oo ka kala yimid degmooyinka Riyo xidho , duruqsi iyo Tuulooyin badan oo hoosyimaada degmadda  Burco. Ilaa ku dhawaad 2,500 oo qoys Ayaan goobtaas degan.Sanadkii hore ilaa hadda waxaa ku soo qulqulaya dad barakacayaal ah oo xaalado qalafsan ka soo qaxaya.

Dowladda Somaliland ( hayadda barakacayaasha iyo qaxxtiga qaranka ) iyo hay’adda samalka ee dalka ka howl galla waxay si hagar la’aan ah u caawiyaan dadkaas barakaca ku jooga deegaanka Guryasamo.

Maamulka degamda iyo gobolka Togdheer ayaa masuulka ah deegaanka dadka ku nool, kana caawiya biyaha , amniga iyo quudin intaba. maalmahan danbe waxaa soo baxaya khilaaf ay dabaddda ka riixayaan xildhibaano heer Guurti ah iyo kuwo kownsalka oo kaashanaya odayaal duulimaad ku ah dadkaas jilicsan oo doonaya in ay duudsiyan barakacayaasha.

Warar laxaqiijinayo waxay tibaaxayaan in xildhibaanadda iyo odayashaasi heshiss ku yihiin in meeshaas lageeyo maamuliyaga u  adeega fuliyana damacooda gaarka ah. Daka deegaanka oo aan arintan wax ka weydiiyey waxay xaqiijiyeen in duulimaad weyn oo qabiilaysay lagu yahay xaruntaas barakacayaasha .

Dhinaca kale iyadoo ay degan yihiin Kaamkaas ilaa 560 qoys oo aan kaadhadh lahayn lana nool ehalkooda kaamka ku jira.

Waxaan hayaada barakayaasha iyo qaxotiga qaranka , maaulka degmada iyo Gobolka toghdheer ugu baaqayaa in dadkaas jilicsan dowladu geyso dhul ay ku badbaadaan kagana kaaftoomaan dhul qabiil sheeganayo.Sidhowna loola socdo xaalada IDP gaas .

 

 

Advertisement

Ku Xayeysiiso