Boqorka Salmaan-ka Sacuudiga Oo wiil uu dhalay u magacaabay Wasiirka Tamarta


Amar boqortooyo oo kasoo baxay Hoggaamiyaha Sacuudiga Salmaan Bin Cabdul Caziiz ayaa shaqada looga Eryay wasiirkii wasaaradda Tamarta oo kamid ahaa mas’uuliyiinta ugu awoodda badan Boqortooyada Sucuudiga.

Boqorka Sacuudiga ayaa wasiirka cusub ee Batroolka u magacaabay wiilkiisa oo lagu magacaabo Cabdi Caziiz Bin Salmaan oo uu ku bedelay Khaalid Al Faalix oo la sheego in uu ahaa ninkii wax ka ogaa howlgalkii raafka ahaa ee lagu beegsaday ganacsatada waaweyn ee Sacuudiga.

Magacaabista wasiirka cusub ee Tamarta Sacuudiga ayaa ka dhigan isbedelkii ugu weynaa ee sanadkan lagu sameeyay hanaanka xukuumadda Aala Sacuud oo wajahaysa gabi dhaclayn siyaasadeed iyo mid dhaqaale.

Sedaxda Wiil ee hoggaamiyaha Sacuudiga ayaa xilal sarsare ka hayay dowladda waxaana kamid ah Max’med Bin Salmaan oo ah dhaxal sugaha wadanka iyo Wasiirka difaaca.

Advertisement

Ku Xayeysiiso