Wasiiradda Wasaaraddaha Arrimaha Gudaha, Warfaafinta Iyo Masuuliyiin Kale Oo Booqday Biyo Mareenadda Magaalada Hargeysa


    

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland Md Maxamed Kaahin Axmed , Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta , Dhaqanka iyo Wacyigelinta Somaliland Md Maxamed Muuse Diiriye oo ay weheliyaan taliye ku xigeenka ciidamada Booliska Somaliland,taliyaha ciidamada Dab-damiska Somaliland ,maamulka gobolka Maroodijeex,Maayir ku xigeenka caasimadda Hargeysa  iyo Injineerro ka kala socday wasaaradda Hawlaha Guud iyo dawladda hoose ee Hargeysa ayaa maanta kormeer indho indhayn ah kusoo maray biyo mareenadda caasimadda Hargeysa oo ay qaarkood waxyeelo soo gaadhsiiyeen roobabkii ugu dambeeyey ee dhowaan ka da’ay magaaladda Hargeysa.

Masuuliyiintan uu hogaaminaayey Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland ayaa sheegay in goobahan biyo mareenadda ah ee ay waxyeeladda gaadhsiiyeen roobabkaasi , sidoo kalena ay qaarkood xidhmeen la balaadhin doono,lana furi doono ,iyaga oo ugu baaqay ganacsatadda kusoo durkay goobaha biyo mareenadda ah in ay sida ugu dhakhsaha badan uga guuraan.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed oo ugu horeyn ka hadlay goobahan biyo mareenadda ah ee ay kormeerka ku samaynayeen ayaa sheegay in dhowaan laga shaqayn doono goobahan ,lana hagaajin doono, waxa uu wasiirku sheegay in roobabkii dhowaan dalka ka da’ay ay sababeen khasaare naf iyo maalba leh ,waxaanu ku sababeeyey khasaarahaasi iyo sababta keentay in la degay ,lana awday meelihii biyo mareenka ahaa ee magaaladda.

Wasiirku waxa uu kormeerkooda ku tilmaamay mid ay ku qiimaynayaan ,kuna ogaanayaan goobaha biyo mareenka ah ee waxyeelooyinku soo gaadheen iyo goobaha kale ee awdmey,kuwaas oo wax laga qaban doono dhowaan, waxaanu ka codsaday shacabka magaaladda Hargeysa in ay joojiyaan Qashinka ay ku gurayaan goobaha biyo mareenka ah iyo  in lala shaqeeyo hay’addaha dawladda ee loo xilsaaray banaynta goobahan biyo mareenka ah marka ay bilaabanto shaqada lagu banaynaayo goobahan .

    

Advertisement

Ku Xayeysiiso