Wasaaradda Hawlaha Guud,Guryeynta Iyo Dhulka Oo Gudaha Magaaladda Laascaanood Ka Bilawday Hawlgalada Nashqadaynta Laascaanood.

Wasaaradda Hawlaha Guud,Guryeynta iyo Dhulka oo toddobaadyadii ugu dambeeyey magaaladda Laascaanood ee xarunta gobolka Sool ka waday hawlaha nashqadaynta magaaladda Laascaanood ayaa hawlgalo lagu burburinaayo dhismeyaasha sida sharci darada ah looga dhisay  wadooyinka magaaladda Laascaanood qaarkood ka bilawday magaaladaasi.

Gaadiidka Cagafyada ee ka qayb qaadanaaya banaynta wadooyinkan ayaa saaka burburiyey gidaarka dayrka shirkadda Laydhka ee SOM Power ee magaaladda Laascaanood, gidaarkaas oo ay waddo ku beegantay.

Wasiirka wasaaradda Hawlaha Guud,Guryeynta iyo Dhulka Somaliland Md Cabdirashiid Ducaale Qambi oo ka hadlay  hawlahan nashqadaynta magaaladda Laascaanood ayaa sheegay in aanay marnaba ka leexanayn meel kasta oo ay  hawlaha nashqadaynta magaaladdu kusoo beegmaan, isaga oo shacabka magaaladda Laascaanood ugu baaqay in ay baneeyaan goobaha ay wasaaraddu iclaamisay in ay baneeyaan, sida guryaha Jiingadaha ah iyo guryaha sida sharci darada ah looga dhisay wadooyinka.

Waxa uu wasiirku sheegay inay dhamaatay waqtigii loo qabtay dadkaasi, waxaanu tilmaamay in wasaaraddu burburin doonto guryahaasi jiingadaha ah iyo guryaha habka sharci darada ah looga dhisay goobaha wadooyinka ah ee magaaladda Laascaanood.

Wasiir Cabdirashiid Ducaale Qambi Wasiirka wasaaradda Hawlaha Guud,Guryeynta iyo Dhulka waxa uu sidoo kale sheegay in ay mudadii saddexda bilood ahayd ee ay wadeen barnaamijkan Nashqadaynta magaaladda Laascaanood ay qabteen ka wasaarad ahaan hawlo badan, sidoo kalena ay soo dhameeyeen dibadda magaaladda, haddana ay bilaabeen in ay hagaajiyaan nashqadda gudaha magaaladda Laascaanood.

Wasiirku waxa uu u mahadceliyey Dawladda Hoose ee magaalada Laascaanood, shacabka magalaadda ,Culimo Awdiinka magaaladda, ganacsatadda iyo ciidamada kala duwan ee Somaliland oo uu sheegay in ay hawlgaladan si weyn uga qayb qaateen , waxaanu ugu dambayn usoo jeediyey dadka weli aan furfurin dhismeyaasha sandaqadaha ah ee ay ka dhisteen wadooyinka dhinacyadooda in ay ka furfurtaan , wixii alaabooyin ka yaalana ka qaataan.

    

Advertisement

Ku Xayeysiiso