Masuuliyiinta Wakaaladda Biyaha Hargeysa Oo Maanta Hortegay Guddida Joogtada Ah Ee Golaha Guurtida Somaliland.

Masuuliyiinta Wakaaladda Biyaha Hargeysa ayaa maanta hor tagay Guddiga Joogtada ah ee Golaha Guurtida Jamhuuriyadda Somaliland waxaanay warbixin ka siiyeen hawsha biyo balaadhinta Caasimadda Hargeysa.

Maareeyaha wakaaladda Maxamed Cali Darood waxa uu faahfaahin  ka bixiyey in magaalada Hargeysa ay maanta biyaha ka hesho Ceelashii uu jarmalku sameeyey ,isla markaana xilli hore la sameeyey ,iyadoo biyaha ay soo saaraan ay ugu talo galeen dhowr boqol oo kun oo qof,halka maanta dadka caasimada ku nooli ay kor u dhaafayaan hal malyan iyo dheeraadba.

Md Maxamed Cali Daarood, Maareeyaha Wakaalada Biyaha Hargeysa waxa uu sheegay in mashaariicda biyo balaadhinta ee magaalada Hargeysi u kala baxaan laba qaybood,waxaanu intaasi raaciyey in shaqada badankeedu ka socoto goobaha biyo soo saarka magaalada Hargeysa iyo beebabka ee Geeddeeble iyo kaydkii waynaa ee magaaladda biyuhu ugu soo dhacayeen.

Ugu dambayntii Maareeyaha Wakaaladda Biyuhu waxa uu hay’adaha dawlada ka dalbaday in ay gacan ka siiyaan sidii caasimaddu u heli lahayd biyo nadiif ah oo ku filan.

Advertisement

Ku Xayeysiiso