Abaanduulaha Kowaad Ee Ciidamada Qaranka Somaliland Oo Jawaab ka Bixiyey Hadalo Kasoo Yeedhay Horgaleyaasha Maleeshiyaadka Maamulka Garoowe.

Abaanduulaha koowaad ee ciidanka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland Sareeye Guuto Cabdirisaaq Siciid Bulaale  oo ay weheliyaan saraakiil ka tirsan ciidanka Qaranka ayaa jawaab ka bixiye hadal ka soo yeedhay Taliyaha ciidanka Maamul goboleedka Puntland kaasi oo Abaanduuluhu ku tilmaamay mid aan habboonayn.

Abaanduulaha ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay hadalada deelqaafka ah ee Taliyaha maamulka Puntland  ku tilmaamay inay Alshaab iskaashadaan isagoo sheegay in caalamku og yahay inaan Argagixiso iyo budhcad badeed midna joogin caalamkuna og yahay.

Abaanduule S/Guuto waxa uu sheegay in xuduuda Somaliland la wada yaqaano isla markaana waxa uu Taliyaha maamulka Puntland u soo jeediyey inuu xuduudaha barto,waxaanu sheegay inaanay Somaliland dagaal iclaaminayn,waxaanu uga digay shacabka gobolka Badhan inay tahay Somaliland.

Abaanduulaha Ciidanka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland S/Guuto Cabdirisaaq ayaa farriin u diray dadwaynaha gobolka Badhan isagoo sheegay in wax wada qabsiga iyo is weheshigu markasta wanaagsan yahay,waxaanu ugu baaqay inay nabadgalyadooda ilaashadaan.

    

Advertisement

Ku Xayeysiiso