Daawo/ Degdeg: Madaxweyne Muuse Biixi Iyo Wafti uu hogaaminaayo ka kooban raxan wasiiro ah Oo Safar Aan hore loo shaacin ugu amababaxay Dalka Jabuuti..

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo wefti uu hoggaaminayo ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay 03-09-2019 safar shaqo ugu baxay dalka Jamhuuriyadda Jabuuti ee aynu jaarka iyo walaalaha nahay.

 

Safarkan shaqo oo qaadan doona muddo kooban ayaa isla maanta markay gaadhaan dalka Jabuuti weftiga madaxweynuhu waxay si rasmi ah u gudo-geli doonan hawlaha shaqo ee ay dalkaasi u tageen.

 

Ujeedada safarka madaxweynuhu wuxuu daaran yahay xoojinta xidhiidhka qotada dheer iyo iskaashiga horumarka ee ka dhexeeya labada dal ee Jamhuuriyadda Somaliland iyo Jamhuuriyadda Jabuuti.

 

Waxaana Madaxweynaha Safarka ku wehelinaaya wasiirrada wasaaradaha, arrimaha dibeda iyo iskaashiga caalamiga ah, gashaandhiga iyo xannaanada xoolaha iyo horumarinta kalluumaysiga.

 

 

 

 

 

ALLAA MAHAD LEH

 Maxamuud Warsame Jaamac

Af-hayeenka Madaxweynaha JSL.


 

Advertisement

Ku Xayeysiiso